|

Ifafaale Muujinaya in Dunnidu Cagaha la sii Galayso Dagaal Weyne 3aad oo Ka Qarxa & Walaaca baqdinta Keenay

Washington 17. April 2017 (SDN/QJ):- Dagaalkii 3aad ee aduunka ayaa laga cabsi qabaa inuu dhaco muddo dhow (bilooyin gudahood) sida muuqata.

Isbuucii hore Mareykanka ayaa 52 Gantaal ku riday Xarumo ay leeyihiin ciidamada Suuriya, waxaana halkaas ku geeriyooday ku dhowaad 39 askari oo ka tirsan xoogaga rajiimka Bishaar Al-Asad.

Donald Trump wuxuu sheegay in gantaaladaas ay jawaab u ahaayeen Suntii uu Bishaar Al-asad ku laayay dadkiisa isla bishaan gudaheeda.

Ruushka (Russia)

oo saaxiib dhow la ah madaxweyne Bishar Al-Asad ayaa caro ka muujiyay in USA ay gantaalo ku ridaan ciidamo daacad u ah dowladda Syria.

Putin Madaxweynaha Ruushka, wuxuu af cad ku sheegay in hada wixii ka dambeeya ay difaaci doonaan xukuumada uu hogaamiyo  Asad. (Qalabka lagu difaaco gantaalada waaweyn ayey Ruushka shalay geeyeen Hawada Suuriya).

Khilaafka u dhaxeeya Mareykanka iyo Russia ayaa salka ku hayya in labada wadan ay u ordayaan wadanka ugu quwadda weyn dunida.

Khamiistii dhoweed Militariga Mareykanka ayaa 50 gantaal oo ah nooca laga sameeyay Nukliyeerka waxey ku garaaceen Waqooyiga Afghanistan. Donald Trump oo amarkaas bixiyay ayaa qiray in Daacish fara badan ay ku laayeen

Laakin Gantaalada uu Mareykanka ku garaacay Afghanistan ayaa aad looga carooday.

Comments are closed