|

Idaacaddii Shabelle Oo Albaabada Loo Laabay Iyo War Al-shabaab Lahayd Oo Galaaftay

Muqdisho:April,04,2015(SDN/QJ)-Idaacadaha Mataanaha ah ee Shabelle iyo Sky, ayaa xalay fiidkii hore ciidamda ammaanka Dawladda Federal-ku Albaabada iskugu dhufatay, kadib markii eedo loogu jeediyey warar ay baahisay.

lexoIdaacadahan mataanaha oo ku yaallay Xaafadda Talex ee Magaalada Muqdisho, ayaa hore muddo sanad ku dhaw ugu xidhnayd Amar Xukuumaddu Bixisay, iyadoo sidoo kale madaxdeeda iyo wariyayaasheeda qaar kamid ahi muddo dheer xabsiyada ku qaateen.

Eedaha hore idaacadahan loogu xidhay ayaa waxa lagu sheegay inay salka ku hayeen jebinta shuruucda Saxaafadda ee dalka Somalia, waxana xukuno lagu riday qaarka mid ah saxafiyiinta idaacadaas u shaqeeya.

Afhayeen u hadlay wasaaradda amniga ayaa sheegay in idaacadaasi baahisay war ay leedahay ururka Al-Shabaab oo dowladda Soomaliya u taqaan UGUS oo loo soo gaabiyay Ururka gumaadka ummada Soomaliyeed.

Xukuumadda Somalia, ayaa hore u shaacisay in warbaahinta ka hawlgasha magaalada Muqdisho  aan laga ogolayn inay baahiyaan wararka kooxda Al-shabaab, waxana haatan idaacadan lagu haystaa baahinta war kooxdaasi lahayd.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed