Idaacada BBC Somali oo Raali gelin ka Siiyay Shacabka Somaliland War Khaldan oo ay Xalay ka Faafiyeen DAAWO
Hargaysa 17. September 2017 (SDN/QJ):-Idaacada BBC laanteeda afka soomaaliga ayaa Raaligelin Buuxda waxay Galabta ka bixisay War ay ka baahisay Rabashadaha ka taagan Ismaamulka Oromada Itoobiya oo ay Sheegtay in Colaadaasi ay ka bilaabantay magaaladda Hargaysa ee Caasimada Somaliland.
Warkan oo ahaa Mid been abuur ah isla markaana xaqiiqada ka fog ayaa waxaa ka hawl galay Madaxda ugu Saraysa ee Wasaaradda Warfaafinta oo uu u Horeeyo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Mudane Cismaan C.laahi Saxardiid Caddaani,Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Warfaafinta Iyo Wacyigelinta,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Iyo Maareeyaha Telefishanka Qaranka oo Xidhiidho kala duwan la Sameeyay Madaxda ugu Saraysa ee Idaacada Bbc qaybteeda Africa .
Hadaba Baahintii Duhurnimo ee Idaacada Bbc Somali ayay raaligelin buuxda waxay ka siiyeen qaranka Somaliland warkaasi khaladka ahaa ee ay baahiyeen.