‘’Hunguri Weynaanta REER SHEEKH ISAXAAQ Ayaa Keentay Caddaalad darrada Somaliland Ka Jirta,..’’ Faysal Cali Waraabe
Hargeysa,6Jan,2016(QJ/SDN)-Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa ka warramay ujeedada safar uu ku marayo gobollada bariga Somaliland.
Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in safarkan uu ugu kuur galayo xaaladda nololeed ee dadka iyo deegaanada bariga Somaliland, isagoona Faysal xusay in adeegyada dowladdu aanay gaadhiin goobaha uu soo arkay.
Guddoomiye Waraabe waxa kale oo uu sheegay in Beesha Reer Sheekh Isaxaaq oo ka mid ah beelaha Somaliland ay badsatay saami qaybsigii dadka reer Somaliland ay ku wada heshiiyiin sannadkii 1993kii magaalada Boorama.
Faysal Cali Waraabe oo laanta afka Soomaaliga ee BBC-da wareysi siinayay, waxa uu yidhi; ‘’Tabashada taagan iyo waxyaabaha la kala tabanayo ayaan doonayay inaan ogaado, si loo soo xalliyo wax allaale iyo wixii khilaaf ah ee taagan intaan doorashada aan la galin… Dadka reer Somaliland waa kuwii kow iyo sagaashankii wax go’aansaday hase ahaatee saami qaybsigii iyo talo wadaagii ayaad moodaa in beeshaas REER SHEEKH ISAXAAQU ay badsatay oo markaa wixii lagu soo heshiiyay Boorame iyo Burco kow iyo sagaashankii ayaa wax iska badaleen markaa gar ayay leeyihiin gartii iyaga ayaa qaatay,.’’ Ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe
Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe waxa uu tilmaamay in dadka reer Somaliland ee dega gobollada Barigu aanay ahayn Somaliland-diid , balse buu yidhi waxa meesha ka baxday taladii iyo manfacii la wada lahaa, isagoona tilmaamay in ujeedada safarkiisa ay ka mid ahayd in uu ogaado halka ay wax ka qaldameen
Dhanka kale, Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu ka garaabay cabashada dadka deegaanada bariga Somaliland gaar ahaan odayaasha magaalada Xuddun oo uu la kulmay isagoona sheegay in ay xaq u leeyihiin fikirkooda ‘’Waa sax xaq bay u leeyihiin, wixii resource la hayay wax allaale iyo wax ka gaadhaa ma jiraan, Power sharingkii (Awood qaybsigii)waxba kamay gaadhin , developmentigii (Horumarkii) xittaa waxba kamay gaadhin iskuulladooda xittaa macallimiinta lacagta lama siiyo, cuqaashooda xittaa lacagta qaar baanan la siinin,’’ ayuu ku doodday Guddoomiye Faysal Cali Waraabe
‘’Dowladda waxaad moodaa uun inay ku koobantahay galbeedka, Burco laga bilaabo saddexdan gobo lee u waaweyn ee xaggan jiraa ha usii kala xumaadeene intuba ma hayaan saamigoodii xaqoodii, Somaliland Development Fun-ga (Sanduuqa Horumarinta Somaliland), xittaa waxa laga siiyaa wuu yaryahay, waana waxyaabaha aanu doonayno inaanu saxno,..’’ ayuu hadalkiisa ku daray Eng.Faysal Cali Waraabe
Ugu danbeyntii, Faysal Cali Waraabe ayaa si kulul u weeraray beesha uu kasoo jeedo ee REER SHEEKH ISAXAAQ , isagoona sheegay in beeshiisu ay sad bursiimo doonayso isla markaana ay jilib jilib wasiir u doonayaan buu yidhi beesha reer Sheekh Isaxaaq, ‘’Hunguri weynaanta beesha dhexe ama reer Sheekh Isaxaaq ayaa keentay cadaalad darada.. iyagiibaa jilib jilib u kala baxay, jilibkastaa wuxuu doonayaa wasiir jilib kastaa wuxuu doonayaa in gaar loo siiyo, meesha ay wax ka xumaatay waxa weeyaan reer sheikh isaxaaq ayaan ogayn in waxan lala leeyahay oo aan waxba is dhaafinayn dowladd kasta oo timaadana Pressure saaraya, marka laga reebo madaxweynihii Cigaal AHUN,.’’ Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa dhawaanahanba socdaal ku gaalaa bixinaayay gobollada bariga Somaliland isagoona safarkaasi ugu magac daray Nabadda iyo Mideynta Somaliland, balse dadka siyaasadda Faaqida ayaa waxay sheegayaan in Faysal Cali Waraabe aanu kasii baaraan degan safarka uu ugu baxay gobolladaasi isagoona fursad ay ku hadlaan siiyay nabad-diidka Somaliland.
Qurbejoog.Com
Hargeysa,Somaliland