|

Human Rights Watch oo ku eedeysay dawlada Itoobiya in ay dhegeysato Mobilada qurbejoogta iyo shirkadaha ganta ka siiya oo la shaaciyay

Adis Ababa Mar 27,2014(SDN)-Hay’ada u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in dawlada Itoobiya ay dhegeysato isgaarsiinta dadka ay u aragto in ay ka soo horjeedaan.

HRW ayaa sheegtay in dawlada Itoobiya ay gacan ka hesho shirkado isgaarsineed oo laga kala leeyahay dalalka China,UK,Itly iyo Germany.

Wasiirka Warfaafinta Itoobiya Ridwaan Xuseen ayaa sheegay  in eedaha HRW aaney aheyn qaar cusub isla markaana aan mudneyn in laga jawaabo.

Qurbejooga Itoobiya eek u nool dalalka UK iyo Mareykanka ayaa qudhooda sheegay in dawlada itoobiya ay computeradooda  ay dhigtay walxo ay ku dhegeystaan isla markaana ay kula socdaan dheq-dhaqaaqyadooda.

“Dawlada Itoobiya ayaa leh shirkada isgaarsiineed ee dalkaasi,waxaaney dhegeysataa shacabka iyada oo aan wax sharci ah u marin arinkaasi”sidaa waxa yiri Agaasimaha HRW Arvind Ganesan.

HRW ayaa sheegtay in shirkadaha caaalmka ee gacanta siiya Itoobiya si ay u dhegeysatom uwaadiniintooda looga baahan yahay in ay ogaadaan masuuliyadi in ay ka saran tahay qalabkooda.

SDN-Adis Ababa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed