|

Human Rights Watch oo dalbatay baaritaan lagu sameeyo duqeyntii Husungow

Nairobi Dec 27,2011(qurbejoog.com)-Dawlada dalka Kenya ayaa laga codsaday in ay baaritaan ku sameyso duqeyn ciidamadeedu u geysteen degmada Husungow oo ay ku dhinteen dad rayid ahaa.

Sidaana waxa qoraal dawlada Kenya ugu guddbiyay heyada u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights watch.

Afhyeenka ciidamada Kenya ayaa Mr Chir Chir ayaa qiray in ciidamadoodu geysteen weerarka balse dafiray in dad rayid ahi ay weerarkaa ku geeriyoodeen.

Shuruucda caalamka ayaa dhigaya in dhinacyda dagaalamaahi xil gaar ah iska saaraan hubinta in aaney rayid wax ku noqon weerarada ay qaadaan.

HRW ayaa qabta in weerarka duqeynta ah ee ay ciidamada Kenya ku qaadeen Husungow ay ku geriyoodeen ilaa 11 ruux oo rayid ahaa.

 

Qurbejoog-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed