Human Rights Watch oo canbaareysay habka ciidamda Kenya ula dhaqmaan Soomaalida Woqooyi Bari
Garisa Jan 12, 2012(qurbejoog.com)-Hay’ada u dooda xuquuqul insaanka u dooda ee Human Rights Watch ayaa maanta war ay soo saartay ku dhaleeceeysay habdhaqanka ciidada dalka Kenya ee ku wejahan Soomaalida ku nool Woqooyi Bari ee dalkaasi.
HRW waxa ay soo bandhigtay xog ay ku sheegeyso in ciidamadu waxyeeleeyaan Soomaalida si ay markaa xog ku saabsan weeraro lagu qaado u helaan.
HRW ayaa sheegtay in dhawaan ay ciidamadu dharaar cad dad ku garaacday badhtamaha magaalada Gaarisa ka dib kolkii loga shakiyay in ay ka mid yihiin taageerayaasha kooxda Al Shabaab ee dagaalka kula jirta ciidamada Kenya.
“kolka xaalku marayo in ciidamadu dharaar cad ay shacabka ku garaacaan badhtamaha magaalada waxa muuqata in ciidamadu aaney ka baqaneyn sharciga”sidaa waxa yidhi Danial Bekele oo ah agaasimaha qeybta Africa ee HRW.
“balanqaadyo fara badan oo nala siiyayna waxaba kama soo bixin oo waxba tacadiyada lagama qaban”ayuu sii raaciyay Daniel Bekele.
Afhayeenka ciidamada Kenya Major Emmanuel Chirchir ayaa sheegay in aaney xadgudubyada ka war heyn balse ay baaritaan ugu dhaqaaqi doonaan.
Ciidamada ayaa weeraro dhawr ah oo lagu qaaday dhawaan waxa ay sababtay in ay cadho iyo baqo kula dul dhacaan shacabka ku nool degaanada weeraradu ka dheceen.
Qurbejoog-Gaarisa
contact@somalidiasporanews.com