Hujuum Aan Waxba Lala Hadhin Oo Xubno Wasiir Xirsi Hoggaaminayaa Ku Qaadeen Wasiir Xaglo-toosiye Iyo Waxgarad Xabsiga Loo Dhiggay Murankan
Hargeysa:Feb,10,2015(SDN/QJ)-Dagaal aan waxba lala hadhin, ayaa xubno madaxtooyada ku xeeran oo ay kamid yihiin Wasiirrada Wasaaradaha Hawlaha Guud iyo Madaxtooyada, Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Somaliland ku qaadeen Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed(xaglo-toosiye), waxana Socda Olole La Doonayo in xilkaas lagaga qaado.
Sida warbaahintu qorayso, isla-markaana laga helayo dhinacyadan is haya, waxa Xubnahan awoodda Badani ku hawallan yihiin sidii ay tareenka Xukuumadda uga tuuri lahaayeen Wasiir Xaglo-toosiye oo loo arkay inuu far dheeraatay ku noqday Kudlada awaamiirtoodu qaataan Badiba xubnaha kale ee Golaha wasiirradu.
Sababaha keenay in wasiir Xaglo-toosiye ay ku kacaan Xubnahan dantu midaysay, ayaa lagu sheegay muran ka dhashay Booqashadii wasiirka iyo xubnaha ay isku beesha yihiin dhawaan ku tageen Magaalada Buuhoodle, halkaas oo uu kaligii ku adkaystay inuu dhamaysto Xafladaas, halka xubnihii kale cudurdaar kooban dartii ay uga soo laabteen Munaasibadaas.
Dagaalka ayaa sii xoogaystay markii wasiirka la sheegay inuu madaxweynaha u sheegay in xubno uu gacan u haystaa Dibindaabyo ku hayaan hannaankiisa shaqo, taas oo keentay in xubnahani bilaabaan Dagaal qaawan oo wasiir Xaglo-toosiye lagaga takhalusayo, waxana la bilaabay sidii loosoo xerogelin lahaa Xubnihii lagu beddeli lahaa oo lagu tuhmayo maleeshiyada KHaatumo ee Gobolka Buuhoodle jooga.
Xubnahan ayaa dagaalkooda sii xoojiyey, waxana ay xabsiga dhigeen Oday Cismaan Aadan Gurxan(kalash)oo kamid ah Waxgaradka kasoo jeeda Gobolada Bariga somaliland, kaas oo haatan ku jira Xarunta CID-da Hargeysa.
Oday Kalash, ayaa lagu tuhmay inuu la safan yahay Wasiir Xaglo-toosiye, kaas oo markii dambe la amray in la xidho oo xorriyadiisa laga qaado.
Xadhigga Odaygan, ayaa lagu xidhiidhiyey Guddoomiye Baashe oo isagu dhaar ku maray in isaga iyo Wasiir Xaglo-toosiye aanay sii wada fadhiyi doonin Madaxtooyada, waxana uu bilaabay sidii uu madaxweynaha ugu qancin lahaa inuu ka fiirsado shaqada wasiirka Caafimaadka.
Wasiir Xaglo-toosiye oo aan wali wax tallaabo ah qaadin, ayaa kulamo kala duwan la leh xubno miisaan leh oo deegaanada Bariga dalka kasoo jeeda, waxana la dilayaa in dagaalkan dhawaan uu dhinac u dhici doono, lamana filayo in kooxda Awoodda badan ee Wasiir Xiris iyo Bashe Hoggaamiyaan ay ka guulaysan doonaan Wasiir Xaglo-toosiye oo awood buuxda iyo Kalsooni ka Haysta Madaxweyne Siilaanyo.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com