|

“Hubku Degmada Baki Buu Yaallay, Guri Dawladdu leedahay BU yaallay, xafiis maamul buu yaallay, gurigana waxa iska lahayd Maxkamadda Degmada Baki, istoodhka……”Suldaan Dhawal.

Borama:June,13,2015(SDN/QJ)-Kadib Markii uu Fashilmay Iskuday uu Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland doonayey inuu ku hor istaago Salaadiin kasoo jeedda Gobolka Awdal oo doonaysay inay Jawaab ka Bixiyaan Hub la sheegay in Gobolkaas lagu qabtay, ayey Salaadiinta iyo Waxgaradka Reer Awdal Xukuumadda Cod dheer ugu sheegeen Inay Raalligelin Ka Bixiso Dhawaaqa  la xidhiidha Hubka la qabtay  oo ay Been abuur ku sheegeen.

dhawalMudane Saylici oo hore u ballanqaaday in isaga laga sugo Jawaabta xukuumaddu ka bixinayso warka Ramaax ku dhawaaqay, ayaa ku guuldarraystay inuu Jawaab lagu qanco keeno, waxana ay taasi keentay inay Salaadiintu afkooda ula baxaan Arrinta ay dhibsadeen, waxana ay shir jaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada Borama ku sheegeen in ay xukuumadda uga fadhiyaan inay Bixiyaan Jawaabtii lagu soo celin lahaa sumcaddii Gobolka Awdal oo ay tilmaameen in Guddoomiye Raxaax Ceel dheer ku ridday, kadib markii uu warbaahinta ka sheegay inuu qabtay Hub Al-shabaab looga shaki qabo.

Salaadiintan oo ka koobnaa Labeenta Gobolkaas xagga dhaqanka u qaabilsan, ayaa xukuumadda ugu baaqay inay raalligelin degdeg ah ka keenaan Been abuur ay sheegeen in gobolkaas laga sheegay, waxana ay sheegeen in Hubkaasi ahaa mid cidda leh la wada yaqaanno.

Ugu horrayn Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo kamid ah Hormoodka Salaadiinta Gobolka Awdal oo Halkaas ka Hadlay, ayaa ku dheeraaday waxa ay ka hadlayaan iyo Hadalka ay dhibsadeen,

“Waxanu halkan u fadhinaa arrin saxaafadda ka baxday oo ka hadlaysay arrimaha nabadgelyada, degmada Baki-na dulsaarnayd, waxa uu  badhasaabka Gobolka Awdal, mudane Ramaax uu iclaamiyey in hub nabadgelyada jaararka iyo Gudahaba khatar ku ah in la qabtay, isla-markaana uu leeyahay sifadii Argagixisa, maalintaas ilaa maantana waxanu baadhaynay halka ay wax ka yimaaddeen iyo sida ay ahayd.” Ayuu yidhi Suldaan Dhawal.

Waxa uu suldaanku intaas ku daray inay waayeen Raalligelin ay Xukuumadda ka filayeen maadaama sida uu sheegay hubkaasi noqon waayey sidii uu Badhasaabku u sheegay, waxana uu yidhi,

“Waxanu soo khulaasaynay ama gunteeda aanu gaadhnay Hawshii saxaafadda ka baxday ciddii lahayd iyo halka ay taalay, ayaanu soo ogaanay, waxana aanu filaynay maadaama arrintu middii la sheegay ay noqon weyday  oo aanu xukuumadda ku ballansanayn inay afkeeda ku beeniso inaanay arrintaasi sidii loo sheegay aanay ahayn”

Waxa uu Suldaan Dhawal daaha ka fayday markii ugu horraysay cidda Hubkaas lahayd, waxana uu sheegay in hubkaasi yaallay aqal dawladdu leedahay oo lagu wada ogaa,

“Arrintu Degmada Baki bay taallay, Guri Dawladdu leedahay Bay taallay, xafiis maamul bay taallay, gurigana waxa iska lahayd Maxkamadda Degmada Baki, istoodhka ay taallayna  Dawladdaa lahayd, Kolba ciddii xil haysay way soo ogayd alaabta meesha laga qaadayna mid la ogyahay oo xukuumadda oo dhammi ogtahay bay ahayd, arrintaasna waxa maamulka looga dhigay mid cusub, laakiin inay iska hubsadaan bay ahayd.” Ayuu yidhi Suldaan Dhawal, waxana uu intaas ku daray,

“Waxa noo caddaatay in Daasadahan la leeyahay waa Budo oo waxbaa lagu qarxinayaa inay ahaayeen tii Beeraha ee Ciidda lagu kobcinayey. Maamulihii beerahaana arrintaas gacanta ku haya.”

Suldaanka oo ka Hadlayey sida Warkaas  Baxay u waxyeelleeyey sumcaddii Dalka iyo tii Gobolkaba, ayaa waxa uu yidhi,

“Waxan aad iyo aad uga xumahay cambaartaas Somaliland la duldhigay, Cambaartaas Gobolka Awdal la duldhigay ee aan jirin ee Xafiiska dawladda Taallay.”

Waxa uu Dardaaran usoo jeediyey Masuuliyiinta Dawladda inay deggenaan ku qaabilaan wararka loo keenayo oo aanay ku degdegin, waxana uu yidhi,“Masuuliyiinta waxanu kula dardaarmaysaa inay hubiyaan cidda waxan waddaa inay shakhsi u jeeddo iyo inay shaksiyaad u jeeddo. Waxana aanu caddaynaynaa annagu Somaliland baanu kamid nahay, waxana aanu ognahay oo aanu maanta gacanta ku fiiqayno oo Hawlahaas la sheegayo ee Dhibaatooyinka Caalamka ku haya aanu Gobolkayaga kaga ognahay ma jirto, waxanuse leenahay ciddii wax inaanu garab taagan  nahay.”

Sidoo kale Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo isaguna Halkaas ka Hadlay, ayaa Been abuur cad ku sheegay Hubka Gobolkaas lagu sheegay, waxana uu intaas ku daray in Hubkaasi kamid yahay Hadhaadigii Siyaad Barre Dalka kaga tegay, waxana uu yidhi, “arrinkaasi waa been abuur, Hubkaas la sheegayna waa Hubkii Hadhaagii Dawladdii Siyaad Barre oo meel walba yaalla, Baki oo kali ahna ma yaallo, Waana la ogaa oo Ciidamada Qarankaa Ogaa oo Guddoomiya-yaashii iska soo dhaxlay Degmada Baki baa ogaa, Tirabana dhawr jeerbaa aqal laga raray oo meel kale la geeyey.”

Waxa uu Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar deedafeeyey in Hub uu sheegay in la wada ogaa hannaan La buun buuniyey loo abbaaray, isla-markaana la gaadhsiiyey heer Al-shabaab meesha lasoo geliyey,“waxanu ka ognahay in arrinkii sidaas ahaa Duullaan inta la qaado 15-Baabuur la is daba dhigo sidii wax argagixisadii ugu weynayd lasoo qabanayo aqalkii inta jabiyey oo la yidhi Al-shabaab baa ka dambaysay, waliba iyadoo aan cidna la haynin la sheegay in dad loo hayo dad kalena la daba socdo, waxana aanu u aragnaa meel-ka-dhac.” Ayuu yidhi Suldaan Samatar.

Suldaaanka oo Hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi,

“Arrinka kale ee kasii darani waa iyadoo la yidhi Hubkaasi Somaliland iyo Dalalka jaarkaba halis buu ku yahay, waxana aanu u aragnaa Xaalad Abuur, xukuumaddana foolxumo ayey  ku tahay shacabkana waxay ku tahay tacaddi.”

Suldaan Samatar waxa uu  sheegay in Gobolka Awdal aan looga shakiyi Karin arrimo Argagixiso, isla-markaana hore looga markhaati kacay Nabadgelyada taalla, waxana uu yidhi,

“Gobolkii loogu ballanqaaday shahaadada Nabadda Somaliland in Maanta la yidhaahdo Waxa laga helay Al-shabaab wax isqabanaya ma aha, waxana aanu leenahay arrinkaas cudurdaar hallaga bixiyo.”

Wararka aanu Hayno, ayaa sheegaya inuu Guddoomiye Ramaax iska diiday inuu hadalka uu hore u  sheegay raalligelin uga Bixiyo, waxana ay taasi keentay inay salaadiintu Afkooda la baxaan oo sheegaan cidda hubkaas lahayd iyo Waliba Goobta uu yaallay.

Xigasho:Wargeyska Hubaal

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed