HRW Oo Sheegtay in Wali Xadgudubyo ka dhan ah Haweyn ay ka jiraan Xiyaha Barkacayaasha ee kuyaalla Muqdisho
Nairobi March 27 2013 (SDN)– Sida saraakiisha hay’ada xaquuqda aadanaha ay sheegeen xadgudubyada ayaa waxaa geysanaya rag hubeysn oo ku lebisan dareeska ciidanka dowlada Soomaaliya.
Warbixinta ayaa intaasi waxay ku dareysaaa in Xukuumada cusub ee awooda qabatay bishii Septembar ee sanadkii tagay ayaa la tilmaamay inay sameysay hormar aan sidaasi u sii buurneyn oo wax looga qabanayo arintaan oo ay sheegeen dhulka Soomaaliya ay ku baahday.
“Baaritaan aan sameynay ayaa ku ogaanay dhibaatooyinka dhaca iyo kufsiga ee ka jira kaamamka barakacayaasha ee Muqdisho”sidaasi waxaa sheegay Mr David Mepham oo ah agaasimaha xaquuqda aadanaha ee Britain.
Kooxda ayaa sheegtay in maamulayaasha xeryaha, oo inta badan xiriir la leh ragga hubaysan ay weecsadaan cuntada iyo gargaarka kale.
Maamulka xeryaha ayaa noqday mid lacag badan lunsada, ayay sheegtay warbixintan, oo tilmaamtay in maamulayaasha ay ka hor istaagaan dadka ku jira xeryaha inay ka baxaan halkaas.
Hayeeshee waxay hay’ada ay shaacisay in Soomaaliya kaliya aysan ka jirin xadgudubyada loo geysto haweenka,balse waxaa jira dhibaatooyin kala duwan oo laga dhexlay colaadaha iyo abaaraha Soomaaliya.