|

Howlgal dad badan lagu qabqabtay oo ka socda qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

Muqdisho,6Aug,2015(QJ/SDN)-Ciidamada Nabadsugida iyo kuwa Booliska Dowladda Soomaaliya ayaa maanta howlgallo ballaaran ka wada qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. waxaana uu howlgalkan xoogiisa uu ka socdaa degmada Hodan.

 Howlgalkaaan ayaa wuxuu saameeyay dhaq dhaqaaqii guud ee xaafada degmada Hodan, waxaana lagu soo waramayaa in dad kor u dhaafaya kontameeyo ruux lagu soo qabtay.

 Howl galkan oo bilowday xalay saqdii dhexe ayaa waxaa hogaaminayay Saraakiisha Hey’adda Nabadsugida, waxaana ciidamada ay mid mid u baarayeen guryaha.

 Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in saakay ay ku soo tooseen ciidamada oo albaabka guryahooda taagnaa, isla markaana ku hareereysan xaafadaha.

 Warar horu dhac ayaa sheegaya in ciidamada ay meelaha qaar ka soo heleen hub iyo waxyaabo kale, waxaana laga war dhowrayaa in saraakiisha ay ka war bixiyaan.

 

Hey’addaha ammaanka dowladda ayaa sheegay inay xoojinayaan howl gallada amniga lagu xaqiijinayay, iyadoo maalmihii u dambeeyay howl galada ay ka socdeen illaa duleedyada Muqdisho.

 

 

Comments are closed