|

HORUMARKA MADAARKA HARGEISA WAXAA KU AMAANAN DAWLADA SOMALILAND

Salaan qiimo badan ka dib,Sida lagu yaqaano qofka xorta ee wadaniga ahi waxa weeye, inuu qofku wixii khaldana si saxa oo maquula u sheego wixii toosan ama wanaagsanadana inuu qofku Allena ugu mahadnaqo cidii hawshaa qabateyna lagu amaano.

 

Somaliland waa dal aanu dhaqaalihiisi laheyn lagu adag oo uu isku taago, waana dal aan la aqoosan oo la macaamilka dunida weli dibada ka ah, iyadoo dhibahaasi oo dhami jiraan ayaa hadana aafada kale ee jirtaa waxey tahey iyagoo dadka dalka ku nooli aaney laheyn wax wadaniyada, dhamaantod ama intooda badani waa dad jecel uun iney hadlaan waxna cunaan. Madaama aanu dalku helin caawimooyin buuran oo dhaqaale, maadama ay dadku yihiin qaar dawladnimada cadow ku ah waxaa lama huraan noqotey in dhamaan hawlihii guud ee nolosha u aasaasiga ahaa ay hagaas noqdaan, sida caafimadka, biyaha, wadooyinka, airportska, korantada, shaqo abuurista iwm.

 

Airportka Hargeisa hurmarka laga sameeyay waa mid lagu diirsado, mudan in Alle loogu mahad noqo, dawlada dalka ka jirtana lagu amaano.

Macnahu ma aha in wax kasta hagaagsan yihiin oo dawladu shaqadii loo doortey sidii loo baahna u qabatey, lakiin macnuhu waxa weeye inay jiraan wax badan oo fiican oo dawladu qabtey.. Weliba qofkii Alle ka baqanaya ee wadaniyi wuxuu qiri karaa in marka laga qiyaas qaato awooda dhaqaale ee jirta in wax qabadka dawladu uu gaadhsiisan yahey meel la odhan karo dawladu intaa wey ku Amaanan tahey ee socodka ha sii kordhiso.

 

Gunaanadkii dhamaan Muxaafidka, Mucaaradka, Shicib iyo dawladba waxaa ina faran in meel looga soo wada jeesta dibu dhiska dalkan yar ee dadkiisii tahriibta u taagan yihiin..!!!!.

 

Alla mahad leh

Osman Omar Dool

Oslo Norway

Comments are closed