|

“Horumarka dalkaaga Hargaysaa laga Gartaa” Madaxweyne ku xigeenka Somaliland {DHAGAYSO}

Hargaysa 07.July (SDN) Madaxweyne ku xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xadhiga ka jaray dhismaha Cusub ee DEERO-MOL ee magaalada Hargaysa  kaasoo ay hirgelisay shirkadda ganacsiga ee INDHO-DEERO-Group.

Madaxweyne ku xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo munaasabadaa hadal kooban ka jeediyey ayaa ku sifeeyey shirkadda DEERO-GROUP mid ku hawlan kaalinteedii horumarineed isla markaana dhismahan balaadhan uu kor u qaadi doono bilicda caasimadda iyo guud ahaan ka dalka.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu u hambalyeeyey shirkadda DEERO iyo guud ahaan ganacsatada Somaliland sida ay ugu dadaalayaan ka qayb qaadashada shaqo abuurka iyo maslaxadda waddanka.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Sayliciindho.mp3″]
Hargaysa SDN,

Qurbejoog.com

Comments are closed