HORTA WADOOYINKAN LAGU MADHEY REERAHOODA MAXAA LOO QABSAN WAAYEY!!!!
Salaan ka dib.
Waar nimanyow waxaan idin weydiiyey, mar hadii sheekadenu qabiil tahey, mar hadii Barlaamaanka Qabylaad lagu soo doortey, mar hadii Wasiirda hab qabiil lagu keeno, mar hadii golayaasha degaanka qabiil lagu doortey, mar hadii Askariga Policeka ah ee qof qorigiisa ku qabsadey hadii u iska difaaco xabadii ka qaraxdey reerkoodii loo qabsanayo, mar hadii magaalooyinkii qabii qabiil lagu dago oo xaafad waliba qabiil tahey, mar hadii Qurba joogii Qabyaalad ku maydho, mar hadii Face book qabyaalad yahey, mar hadii Schooldii reeruhu caruurta ka bixiyaan fiigoodu hadhowna wiilkii ama gabadhii Shcoolda ka soo baxdaa uu noqonayo/noqoneyso qof qabiilkisii wax soo barey oo aan wax Qaranimo ah shaqo ku laheyn.
Mar hadii marka qof shaqo laga eryo Suldaankooda, ama Caaqilkoodu koofiyad dheer soo xidhanayo, Mar hadii marka qof shaqo la qaroyo arintu noqotey Sibiil yaa Qabiil.
Waa mar hadii aynu sidii naag Marwo oo gurigeedii uunsi ku shidey oo daqaadihii iyo albaabadiiba u xidhey, inteynu qol isku soo xidhey oo Qabiil iyo Qabyaalad aynu ku uunsaneyno, ku weysaysaneyno, ku caano shubaney oo aynu ku gaas shubney.
Sow waajib ma aha in Wadooyinkan gaboobey ee dadkii ku dhaamadey shilalka ka dhacaya loo qabsado kolba reeraha ay dhex marto, sow ma aha wixii Wadadaa Berbera ku dhinta ineynu u qabsano reeraha dega, Burco iyo Ceerigabo cida degta, Hargeisa ilaa Boorame Cida degta..
Waxaan ku soo xidhaya waar yaan la ilaabin godobta wadooyinka oo weliba waxaan fariinta u diraya Suldaamada iyo Caaqiladu iney arintaa mashruuc ka dhigaan, baarlamanku mooshin ka dhigaan. Wasiiradu indho Guulwada nimo ku eegaan, Macaarudku indha ku jiqsiiya ku eegaan
Waar dadkii madhey, Ina Warancade waa beentiisa ee Somalida kale ma aha cadowga Somaliland, Qabylaada iyo marna UDUB noqon marna KULMIYE noqo ayaa ah cadowga Somaliland ee wax ha ka qabto. Waar dadka Shicibka ahow, iska ilaaliya nimanka Siyaasinta ah mid Mucaarada iyo mid Muxaafidaba waa isku mid, kuma jiro hal nin oo wadani ahi.. Waa wada daneyste dad qal ah……..
Alla mahad leh
Osman Omar Dool
Oslo Norway