|

“Horta Madaxweyne Axmed Siilaanyo Caadi Miyaanu Aheyn.?Gudd. Balli-dhiig Ee Waddani

Hargeysa 05, October 2016 (SDN/QJ):- Af-hayeenka dhalinyaradda Beel-weynta Reer Daahir eek u dhaqan Gobolada kala duwan ee Somaliland Jamaal Cabdiraxmaan Axmed (Food),  ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Degmada Balli-dhiig oo ka tirsan Gobolka Togdheer, ayaa sharaxay xubno ka tirsan xukuumadda Axmed Siilaanyo iyo Maayarka Degmada Burco oo isku fara-saaray dhul hanti guud ah oo ku yaal magaalada Burco, isla markaana wuxuu sheegay inay gacanta kula jiraan boob hanti oo wadaan inay ka faa,iidaystaan sii dhicitaanka xukuumada wakhtigeediii dhamaaday ee talada Haysa ee Siilaanyo.

 

iiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiGuddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Degmada Balli-dhiig Jamaal Cabdiraxmaan Axmed (Food), oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Beesha uu ka soo jeedo ee Reer Daahir ay gabe-ahaan-ba ka baxeen xisbiga Kulmiye, kana hadlay qorshaha mustaq-balkooda xisbiga ay ku biirayaan.“Xilku Maaha Xabxaabsi, xeedhada sal dhawr maaha, kuwii hore xujee maaha, xilka ku xafiiltan maha. Xoolahana agoon-baa leh, nin xashiishka guraaya ayaa leh. Xoolaha ka raaca ayaa leh, askari gaadh ku xiiqaa leh. Xalay waxa magaalada Hargeysa ee huteelka Suldaan ee ku yaala Magaalada Hargeysa, waxa gacanta isku saaray oo dirqi lagu kala qabtay Maayarka Burco Muraad, Jaamac Xaaji Axmed oo ay la joogeen Wasiirka Hawlaha guud Cali Mareexaan iyo Guddoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka Somaliland Shariif Abokor Dhuux-yare, markaa  waxay isku haysteen dhulkii danta guud ee  Gobolka Togdheer oo ku yaala magaalada Burco oo shacabka reer Burco hore aad uga qaylisay. Nimankaasoo hantidii dad weynaha beel ahaan ku qaatey goobihii Burco oo shuraako ah isku xidhan ah. Ninka Jaamac Xaaji Axmed oo qabiil iyo musuq-maasuq lagu siiyo khandaraasyada dawlada, waxaan leeyahay maanta waa nasiib xumo nimanka aan dalka u danaynayn ee ka urursanaaya lacagtii ummadda ee reer Somaliland waa in laga badbaadiyaa dhulka hantida guud ee Burco. Horta Madaxweyne Axmed Siilaanyo caadi miyaanu aheyn? Muxuu ugu eegaysaa nimankan hantidii ummadda boobaaya ee  aad magacowday ee heshiiska ah waa maxay? Dadku way arkayaan indhihii bakoorad qaba mooyaane indhihii caafimaadka qabaa way arkayaan. Wasiirka hawlaha guud Cali Maaha innuu gacan ku siiyo nimanka dhacaaya ummadda.”ayuu yidhi Guddoomiye Jamaal.

 

Guddoomiyaha Degmada Balidhiig ee Waddani wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi,“ Aniga oo ku hadlaaya afka dhalinyarada beesha reer daahir ahna Guddoomiyaha Degmada Balidhiig ee xisbiga waddani waxaanu ka digaynaa dawladda sii dhacaysa ee wakhtigeedii dhamaaday in hantida ummadda la booboo o raggaasi ka faa’iidaystaan.”

 

Sidoo kale, Jamaal wuxuu sheegay in beeshiisu ka baxday gabi-ahaan-ba xisbiga Kulmiye waxaanuu yidhi, “Haddaanu nahay beesha reer Daahir gude iyo dibad-ba waxaanu hiil iyo hooba la garab taaganahay oo aanu maanta codkayaga siinaynaa Guddoomiyaha xisbiga Waddani ahna Guddoomiyaha Wakiilada Somaliland Cabdiramaac Cirro, markaa maanta  dadka xisbiga Kulmiye taageersan waxa weeye dad wax kale ka buuxaan oo aan dalka dan ka laheyn. Muuse Biixi Cabdi iyo Saylici way og yihiin in maanta aaney u codaynayn shacabka reer Somaliland oo taariikhdooda waynu garaneynaa haddii aynu nahay shacab weynaha reer Somaliland.”

Comments are closed