Horn Cable TV Iyo Xukuumadda Somaliland Oo Isku Dhacay iyo Telefishanka Oo Xaruntiisa u Raraya Dal Kale
Hargeysa:Oct,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Telfishanka gaarka loo leeyahay ee Horn Cable TV, ayaa isku dhacay, kadib markii la isku afgaran waayey arrimo hore la iskugu naas-nuujin jirey.
Sida ay sheegayaan xogaha ay heshay Qurbejoog.com, waxa uu maalmahanba tv-gu ku jirey qabanqaabo uu xaruntiisa ugu weyn ee Hargeysa ugu rarayo dhinaca Nairobi, waxana uu muddooyinkmii ugu dambeeyey bilaabay in wararkiisa si rasmi ah looga arkhiyo studio qalabaysan oo uu dhawaan ka hirgeliyey Magaalada Nairobi.
Sababta ay Masuuliyiinta Horn Cable TV u rarayaaan xaruntooda, ayaa waxa kamid ah in haddii ay xukuumaddu isku daydo inay xidho xarunta tv-gii sidii horeba u dhacday inaan loo dhitin oo ay wararkooda iyo Barnaamijyadooda ka wataan Dhinaca Nairobi oo loo dhamaystiray agabkii looga Baahnaa Baahint TV-ga.
Horn Cable TV, ayaa tan iyo markii dhamaadkii sanadkii 2011-kii xaruntiisa ay ciidamadu la wareegeen waxa uu bilaabay muxaafidnimo uu xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u muujiyey, waxana uu arrintaas ku waayey taageeryaal badan oo u arkay inaanu waxba kaga duwanayn dhiggiisa qaranka ee ay xukuumaddu gacanta ku Hayso, waxase haatan soo baxaya in xukuumadda diiday am aka baxday Ballamo hore la iskugu ogaa ay ugu weyntahay lacagtii diiwaangelinta oo TV-ga loo diiday.
Si kastaba ha ahaatee waxay u muuqataa in telefishankani go’aansaday inuu ka xuubsiibto xidhiidh hoose oo uu la lahaa xukuumadda islamarkaana uu go’aansaday inuu muncaarad culus ku kiciyo xukuumadda, gaar ahaan xiliga soo socda oo xasaasi ah awgiis, maadaama ay soo dhow yihiin doorashooyinka Somaliland.
Tv-ga ayaa isagoo ka cadhaysan Lacagaha Diwaangelinta ee loo diiday waxa uu gebi ahaanab Joojiyey Wararkii wasiirka Arrimaha Gudaha oo isagu xukuumadda u qaabilsanaa arrimah Diiwaangelinta, waxana ay ayaamahan kicinayeen Duufaanno mucaaradeed oo ka dhan ah xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ay hore saxib dhaw u ahaayeen.
SDN/QJ