‘’Hore ayaan Xisbiga Waddani u idhi Waa inoo Iyo Boorama Maanta Waxaad Fariin u dirteen C.raxmaan Cirro,Masayrkeena halkaan Marinayno Waynu ka Wada Tashanaynaa’’ Axmed Muumin Seed DAAWO
Boorama 18. November 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye Ku Xigeenkii 1aad ee Xisbiga Waddani dhawaan Anshax Mariyeen iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Ka Kooban Garabka uu Hor Kacayo ee Toosinta iyo Caddaalada ee Xisbiga Waddani ayaa Si Balaadhan oo Dhoola Tus ah loogu soo dhaweeyay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal.
Axmed Muumin Seed ayaa Fulinaya Dhaar uu ku Maray Markii la soo Gabo Gabeeyay Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani ee uu Cadhada ka qaaday isagoo Xiligaas Warbaahintu ka Gunuday hadal u Muuqday Hajabaad iyo Goodi Siyaasadeed kuna Yidhi ”Waddaniyoow Waa Inoo Boorama”
Dhanka Kale Marka la qiimeeyo Khudbada uu Taageerayaashiisa Magaalada Boorama u Jeediyey Waxaa Laga Dhadhansan Karaa inuu Xisbigii Waddani Meel Iska dhigay Isla markaana ay ka arrinsanayaan halka ay Miisaankooda Siyaasadeed Mariyaan.