Hor dhaca Khudbad Aan Heerkii Laga Filayey Gaadhsiisnayn Oo Uu Madaxweyne Siilaanyo ka Horjeediyey Aqalka Labada Gole
Hargeysa:Mar,28,2015(SDN/QJ)-Waxa goor dhaweyd lasoo gebogebeeyey Khudbad-sanadeedkii uu madaxweyne Siilaanyo ka hor jeediyey labada gole ee Guurtida iyo Wakiillada, waxana uu halkaas ka jeediyey khudbad aan sidaas u shishlayn, isla-markaana aan gaadhsiisnayn heerkiiĀ laga filayey.
Sida wariyayaashu noo xaqiijiyeen waxa uu madaxweynuhu Khudbadiisan diiradda ku saaray Gebi ahaanba Somaliland iyo marxaladda ay haatan ku jirto, waxana uu yaraystay amaba meesha ka saaray Dib udhaca ku yimid doorashooyinkii dalka ka qorshaysnaa badhtamha sanadkan.
Waxa uu eedda dibu dhaca dusha ka saaray Xisbiyada mucaaridka, waxana uu ku baanay in xukuumad ahaan wixii kaga aaddanaa ay hore u dhameeyeen, isagoo sidoo kale sheegay inaanu diyaar u yahay wixii talo ah ee arrintaas qaranka kaga aaddan.
Arrimaha kale ee saaka afka madaxweynaha kasoo yeedhay xilligii uu khudbaddan ku jirey, ayaa waxa kamid ahaa inuu shaaciyey xidhiidh uu sheegay inuu lasoo sameeyey Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Gaas, kaas oo sida uu tilmaamay usoo diray raalligelin la xidhiidha farogelin Ciidamo Reer Puntland ahi ku sameeyeen Xuduudda somaliland.
Waxa uu sidoo kale ka Hadlay socdaallo aan bulshadu ka hadalkodoa xiiso badan uqabin uu dhawaan kusoo maray Goobo dalka kamid ah, waxana uu sheegay inuu uga gol lahaa sidii uu xog-ogaal ugu soo noqon lahaa xaaladda ay dadkaasi ku sugnaayeen, balse ma uu sheegin wax tallaabo falcelin ah uu kaga jawaabay duruufihii uu kala soo kulmay socdaalkiisii.
Gebi ahaanba marka la isku soo wada duubo khudbadda saaka ee madaxweyne Siilaanyo, waxa ay ahayd mid aad u kooban, isla-markaana waxa dhibaato badani ka taagnayd Qalabkii codbaahiyayaasha ahaa ee Xarunta Golaha Guurtida ku xidhnaa, waxana taasi keentay inuu lumo fahamkii hadalku.
Goor dhaw filo khudbadda madaxweynaha oo dhamystiran.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com