|

Hooyo Umul Ah Oo U Dhimatay Harraad Iyo Gaajo Abaarta Darteed Koonfurta Somaliya

Muqdisho 17. March 2017 (SDN/QJ):- Wararka ka imanaya dalka Somaliya,gaar ahaan deegaan u dhow degmada Afgooye ayaa sheegaya in ay halkaasu ugu geeriyootey hooyo umul ah gaajo iyo harraad.

Abaaraha ka taagan Soomaaliya ayaa dadkii ku nafwaayay waxaa kamid ahaa hooyo gaajo iyo harraad ugu dhimatay meel u dhaw degmada Afgooye.

Hooyadaasi waxay ifka uga tagtay 2 ilma ah oo ay dhashay, kuwaasoo ay hadda gacanta ku hayso ayeeydood oo la yidhaahdo Nuurto Cali Axmed.

Nuurto ayaa BBC u sheegtay in ay abaarta awgeed uga soo barakaceen deegaan hoos taga Buurhakaba, ayna hadda ilmahaasi ku hayso xero ku taalla Muqdisho.

Comments are closed