Hooyo Soomaaliyeed Oo Sidii ay Ciidanka Kenya u Garaacayeen Naftu Kaga Baxday Garoon Ku Yaalla Nairobi
Nairobi:18-April-2014 (SDN/QJ)-Tacaddigii iyo dhibaatadii ciidanka Kenya ku hayey Maatada soomaaliyeed ee Nairobi joogta, ayaa xadhkaha goostay, waxana garaacistaas iyo jidh-dilkaas ciidanka u geeriyootay Hooyo somaliyeed oo Xaafadda Islii laga soo qabtay.
Hooyadan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo, Seynab Bulxan ayaa khamiistii shalay ku geeriyootay garoonka diyaaradaha ee Nairobi, halkaasi oo la isugu geeyay tiro Soomaali ah oo ay ka mid aheyd, kuwaasoo dowladda Kenya dooneysay in dalkooda dib ugu celiso.
Hooyadan markii la geeyay garoonka si looga dhoofiyo oo Muqdisho dib loogu celiyo ayaa waqtigaasi xaalkeedu ahaa mid aad u xun iyadoona la xanuunsaneysay dhaawacyadii ciidanka u geysteen.
Hooyo Seynab Bulxan ayaa meydkeeda laga soo qaaday garoonka gelinkii dambe ee khamiistii shalay, waxaana la dhigay isbitaal ku yaalla Nairobi.
Arrintan ayaa walaac xooggan ka muujiyay Soomaalidii laga soo celiyay Kenya, kuwaasi oo xusay in dhibaatooyin xun oo ay ugu weyn tahay jidh dil ay u geysteen ciidanka Kenya markii ay guryahooda ka soo qab-qabanayeen.
Ilaa iyo hadda ma jirto wax jawaab oo ay ka bixisay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku aadan jir dilka ay u dhimatay Hooyadaasi Soomaaliyeed.
S.D.N/QJ
Hargeysa