|

Hooyo Somaliyeed oo raacdo ugu Jirtay Laba Hablood oo ay Dhashay oo Kooxda Daacish Xabsiga u taxaabeen

Baqdaad 04.Nov 2014 (SDN/QJ)- Kooxda Daacish ayaa xabsiga dhigtay Hooyo soomaaliyeed oo Dalka Syria u Tagtay Hablo ay dhashay oo Kooxdu gacanta ku Hayso.

hiit-300x199Wargays Kasoo Baxa dalka Australia oo arrinta soo bandhigay, ayaa  waxaa uu qoray xog ku saabsan in Khadra Jaamac oo dhashay labo gabdhood oo mataano ah oo lagu kala magacaabo Zahra iyo Salma Xalane oo 16 jiro ah dhawaana  kasoo tagay magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska kadibna ka mid noqday dagaalamayaasha Daacish.

Hooyo Khadra ayaa la sheegay in ayada iyo qof kale oo magaciisa sababo amaan loo qariyay oo u shaqeeya hay’ad samafal in lagu xidhay wadanka Syria waxaana warku intaa ku darayaa in hooyadan Soomaaliyeed xadhigeeda loo sababeeyay kadib markii lagu eedeeyay inay wadamada reer galbeedka basaasi u tahay.

Khadra Jaamac ayaa Ingiriiska dib ugu laabatay iyadoo gacmo madhan waxaana ay sheegtay in labadeeda gabdhood ay rag ajaanib Daacish ka tirsan ku qabaan magaalooyinka Al-Bab oo u dhaw magaalada Caleebo iyo Manbij sida wargaysku qoray.

Mid ka mid ah gabdhahan ayaa wargeysku sheegay inuu qabo dagaalame dalka Ingiriiska u dhashay bilowgii sanadkana xog ay baahiyeen warbaahinta qaar ayaa lagu sheegay in gabadha kale uu qabo dagaalame Afghanistan u dhashay waxaana ay gabdhahani ku biireen kooxda IS sanadkaan iyagoo u safray dalka Turkiga oo ay Syria uga sii gudbeen .

Waxaa la aaminsanyahay in gabdhahan u tageen walaalkood ka weyn oo Axmed la yidhaahdo oo hore uga mid ahaa kooxdan.

Labada gabdhood ayaa diiday inay hooyadood raacaan waxaana ay u sheegeen in Illaahay u dooray inay Syria joogaan oo ay Daacish kasii mid ahaadaan.

Wargeyska Australian News waxaa uu sheegay in ilo xog ogaal ah u xaqiijiyeen in hooyo Khadra oo uu la socday qofka u shaqeeya hay’adda samafalka ay gabdhaha mid ka mid ah kula kulantay magaalada Al-Bab inta aanay gabadha kale la kulmina ay xidheen Daacish inkastoo ay hadda sii daayeen.

Wargeysku waxaa uu sheegay in sidoo kale in qoys kale oo Soomaaliyeed ay dalka Syria tageen si ay usoo kaxaystaan caruur Daacish kaga jirta hase ahaatee ay diideen iyagoo ka cabsi qaba in hay’adaha amaanka Britain xidhaan.

Qiyaastii 500 oo dhalinyaro oo Ingiriiska ka tagay oo ay ku jiraan Todobaatameeyo Dumar ah oo Soomaalina qeyb ka yihiin ayaa la aaminsan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Daacish oo ka dagaalanta wadamada Syria iyo Ciraaq.

Baqdaad SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed