|

Hooyo Dirawalnimo Ku Shaqeysata Oo Ka Warrantay Dareenkeeda, Goortay Ugu Naxdinta Badnayd, Xawaaraha Ay Ku Socoto & Siday U Aragto Dadka Dalka Ka Tahriiba

Kalabaydh, 9 June, 2016-(SDN/QJ): – Fadxiya Abuu-hureyra, waa Hooyo Shan Sannadood ku shaqeysanaysa Xirfadda Dirawalnimada, waxayna wadataa Gaadhi Nooha ah oo ay Dadka ugu Daabusho Hargeysa, Wajaale iyo Gabiley.

DirawalladaFadxiya oo ah Hooyo leh Carruur oo deggan Degmada Gabiley ee Gobolka Gabiley, oo Telefiishanka Star ka wareystay Shaqadeeda, ayaa sheegtay inay door bidday inay ku shaqeysato Gaadhigeeda, halkii ay ka tahriibi lahayd ee dhibaato ku qabsan lahayd Dal aanay garanayn.

“Dirawalnimada Dumarku way adag tahay, laakiin waan ku shaqeystaa oo Saaka (Shalay) waxaan ka soo baxay Wajaale, markaa ILAAHAY Mahaddii Shaqadan waan kaga reystay intii aan Tahriibi lahaa Meelaha la igu garaaci lahaa.” Ayay tidhi, Hooyo Fadxiya, waxayna intaa ku dartay, “ILAAHAY Mahad leh shaqadan waxaan ku korsadaa Shantayda Carruurta ah.”

Hooyadan oo la waydiiyey siday Dadku arkaan inay Gaadhi waddo iyadoo Gabadh ah, ayaa ku jawaabtay, “Dadka qaarkood ILAAHAY ma aaminsana, waayo? Ma Naag baan raacaa bay yidhaahdaan, Gabadhan Imika ila socota ayaaba lahayd Ma Naag gaadhi wadata ayaan raacaa. Aniguna waxaan ku idhi Aniga ha I aaminin ee ILAAHAY aamin.” Ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay, “Shan Sannadood baan Gaadhi wataa, waxaana iigu naxdin badnayd maalintaan Qof gaadhi ku dhuftay ee uu Dhulka ku dhacay, laakiin markaan dhaafay ayuu qofkii iska kacay.”

Haweenaydu waxa kale oo ka hadashay Dadka Tahriiba, “Anigu Kuwaa (Dadka Tahriiba) kuwo Waallan baan u arkaa, Waayo? Waxaan joogaa Dalkayga oo wax walba yaallo.”

Fadxiya oo la waydiiyey Xawaaraha ay Gaadhiga ku waddo, ayaa sheegtay, “Waxaan is idhaahdaa Dadka Nafta haka qaadin, markaa waxaan Gaadhiga ku wadaa 70 illaa 80KM Saacaddii, markaa Shaqadani waa shaqo Adag, laakiin Dadka Tahriibaya waxaan odhan lahaa Dalkeena Nimcaa fadhidee Qofba dhinac uun ha u leexdo.” Ayay tidhi.

Comments are closed