|

Hooyo Aabahay Mee? W/Q: Aamina Cabdillaahi Axmed

Axmed yare, yaraantiisii wuxuu ku soo barbaaray nolol raaxo leh, wuxuu ku koray guri ladan, oo laga kool-kooliyo, wuxuu ku garaadsaday hooyadii iyo aabihii oo ubad keligii dhalay, wuxuu ahaa ilmo sacabada lagu sido, oo laga dhawro saxar inuu korkiisa gaadho. Aabaha Axmed yare dhalay wuxuu ahaa nin ubad jecel oo naxariis badan. Carruurta derisku way jeclaayeen aabaha Axmed, markuu suuqa ka yimaado nac nacyo iyo buskulo ayuu u qaybin jiray carruurta.

Axmed yare waxay deris yihiin ayeeyadii Barni iyo eedooyinkii adeeradii. Axmed yare wuxuu tagaa guriga ayeeyadii, isagoo faraxsan, laakiin hooyadii uma ogola inuu tago guriga ayeeyadii, Inta badan Axmed yare dhuumasho ayuu ku tagaa guriga ayeeydii Barni.

Axmed yare guriga ayeeyadii wuxuu kala kulmaa, cadaadis iyo cago juglayn, Laguma qaabilo weji farxadeed, laakiin waxaa lagu qaabilaa hiif iyo maagitaan. Eedadii Maryan uguma yeedho magiicasa, waxay ugu yeedha garacyohow kaalay, wuu ka cararaa qolka eedooyinkii joogaan, wuxuu u tagaa qolka adeeradii degan yihiin. Adeeradii way waraystaan Axmed yare, su’aalo aan ilmo yar lawaydiin bay waydiiyaan, waxay ku yidhaahdaan: ‘’Aabahaa ma jeceshahay? Aabahaa muxuu kuu soo iibiyay maanta? Wuxuu ugu jawaaba Axmed yare: ‘’Aabahay waan jecelahay dhiigaygu ku talaalan yahay, aabahay maalin kasta wuu iga farxiyaa, waxa kasta oo aan jecelahay wuu ii kaana’’.

Axmed yare adeeradii markay hadalkiisa maqlaan  qosol bay ka wadhaan, waxay hoos ugu sheekaystaan wallee waad ku aabbo la’dahay meesha.

Axmed yare, dhegtiisu way duubaysaa hadalada ku soo dhacaya, Isagoo murugaysan ayuu xaafadda ka tagaa. Hooyadii way dareentay Axmed yare, markuu ayeeyadii ka yimaado, waayo wejigiisa oo dhan baa is bedela. Axmed yare, hooyadii waxay su’aashaa waxa ku dhacay. Laakiin se Axmed yare waa nin uur adag, waxba uma sheego hooyaddii.

Waxaa uur yeelatay Axmed yare hooyadii, waxay umushay gabadh. Maalinkii ay umushay hooyadii, ayuu aabbihii u jan-jeedhsaday dhinicii gabadha yar, Axmed yarena ilaaway ma kaxeeyo oo ma ciyaar geeyo oo baabuurka kuma qaado. Wuxuu habeen iyo maalin ku mashquulsan yahay inantii yarayd. Markuu Axmed yare qolka ugu soo galo, wuxuu ku yidhaahdaa, kaalay aabbe isoo ciyaarsii, oo suuqa igee. Wuxuu ugu jawaaba”aabbo waad waynaatay iminka, nuune yar baa kaa dambeeyay, sidii hore ma tihid’’.

Axmed yare, ilmo ayaa indhihiisa isku soo taagta, markuu hadalkaa aabbihi ka maqlo. Cuqdad xun buu qaaday, heer wuxuu gaadhay uu la colloobo inantii yarayd. Intuu isha dadka waawayn iska eego ayuu qanjiidho kunabaa. Jaqaaq-daas bay gurtaa, waa lagu soo yaacaa maxa helay ilmaha, deg-deg bay hooyadeed naaska afka ugu gelisaa, si ay ugu aamusiiso.

Axmed yare, qol cidlo ah buu iska galaa, cid lama hadlo TV-ga ayuu iska shitaa, tom iyo jeerin buu daawada. Hooyadii way dareensan tahay dhibka haysta wiilkeeda, qolkay ugu soo gashaa way u sheekaysaa, maaweelisaa, laakiin aabihii uma soo galo, qolka fooda ma soogaliyo. Maalinkii dambe odaygii oo goor duhura shaqadii ka soo rawaxay baa yimi, qolkii markuu sidaa u soo galay, wax kale isagoon eeg eegin buu inantii yarayd oo huruda dhabta saaray. Hooyadeedna markaasay ba seexisay ilmaha yar. Islaantii oo muraara-dillaaca, baa odaygii u tirisay,  waa wax isagoo konton jira dhalay, doqon yohow, xagaad ku ilawday wiilkii yaraa.

Odaygii oo aan dheg laqabto lahayn, oo dhiigu boqolka tegay baa yidhi: “naa doqon-yahay bilaa abaalka ahi, wiilkan yar ma anigaa dhalay, maxaad iigu kabaysaa, intaan soo waday waday, anigu inanta yar uun baan dhalay. Axmed yare ayaa maqlay murankii, wuxuu istaagay daaqada, hadalkii buu dhegaystay, murankiina wuu sii batay. Axmed yare waxaa dhegihiisa ku soo duushay, hooyadii oo leh, wiilkayga anaa garcaday, booskii aabonimo iyo hooyo aniga ugu jira.

Axmed yare, markuu hadalka maqlay wuu iska tegay, wuxuu tegay gurigii ayeeyadii. Eedadiisi ugu yeedhi jirtay garacyohow, ayuu waydiiyay kelmada garac waxay tahay. Waxay ugu jawaabtay, waa ilmo aan aabbo haysan. Axmed yare yaa ! yaa!. Eedo sowka aabahay nool. Waxay ugu jawaabtay eedadii, aabahaa maaha, ee waa adeerkaa.

Kii yaraa oo ilmadu tifta hayso baa hooyadii u yimi, wuxuu kor ugu qalinayaa hooyo, hooyo, hooyo, aabahay mee?!.

Hooyadii way naxday anfariirtay, hooyo shaydaanka iska naar maxa ku helay. Odaygii baa laabta geliyay wiilkii, aabo maxaa ku helay. Faraa iga qaad buu yidhi imaad dhaline, garac baan ahay. Odaygii wuu sasabay Axmed yare gaadhigii buu ku qaaday suuquu geeyay, kubad buu soo ciyaarsiiyay. Axmed yare waa laba iyo toban jir. Habeen ayuu wuxuu qoray waraaq.  Sidan bayna u qornayd : ‘’ Hooyo waan ku jecelahay, sagaal bilood baad uurka igu siday, waad ii dhibaatootay, oo waad wallacday, waad i foolatay, oo waad i dhashay oo naaskaad i nuujisay. Waxaad igu soo korisay, xaaladd adag oo aabo la’aana, waxaa ku dayriyay ehelka, aniga dartay, waad ii samirtay. Aabbihii dunidan i keenay wuu kaa baxsaday, wuxuu ahaa aabbo danayste ah. Hooyo marabo dartay inuu qoyskaagu u dumo oo dib uga murugooto noloshaada. Farxad igu noolow adiga iyo qoyskaagu ba. Hooyo dib iima arki doontid saacado ka bacdii waxaa lagu soo sheegidoona geeridayda, Iga samir waan ka tegayaa aduunyada, waayo mahaysto aabbo adeerayaal eedooyin ilmaadeero awoowo iyo ayeeyo toona. Mahaysto ehel aan ku abtirsado’’.

Axmed yare, wuxuu warqadii u saaray miiska hooyadii, subaxdii markay soo kacday, wiilkii yaraa qolkii way ka wayday. Waa salaad hore way naxday, Axmed wuxuu isku riday Berkad ku taalla tuulada ay degin yihiin. Hooyadii oo kadinka taagan oo raadinaysa wiilkeedii, ayay qaylo soo yeedhay ilmo yar baa berkedda ku dhacay, sidaas ayuu Axmed dunida kaga tegay!!.

DHAMMAAD

W/Q: Aamina Cabdillaahi Axmed

Hargeysa,Somaliland

Comments are closed