|

Hooyo 80 Jir Ah Oo Baaq Cabasho Ah U Dirtay Madaxweyne Siilaanyo

Aniga oo ah hooyo waayeel ah oo reer Somaliland ah oo Magaceedu yahay Caasha Xuseen Maxamed, kuna magac dheer [Caasho-Ilka cas], waxaan Madaxweynaha Somaliland ku salaamayaa SAlaanta Islaama midda ugu qaalisan, bacda salaam; Md. Madaxweyne Waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa cabasho aan ka cabanayo hantidii deegaanka ii ahayd oo hore uu taliskii Faqashtu iiga qaaday iyaga oo yidhi Waxa laga dhigay “xarunta Boosta oo ku taalla xaafadda Jameeco-weyn.  Md. Madaxweyne dhul badan oo ceelal leh oo beero leh oo dhismayaal badan leh ayaa loo celiyey dadkii hore u lahaan jiray, aniga meeshii lay celin lahaa waxa hor istaagan Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud iyo guriyeynta Cabdirisaaq Khaliif iyo nin kale oo uu isagu wato iyaga oo u shuraakoobay dhulkayga, waxaana uu igu yidhi dhulkan iyo dhismayaasha ka dhisanba waa hanta dawladeed waanan kireeyey, isaga oo ka kireeyey ninkii uu watay. Markii aan idhi maxaad dhulkii iiga qaaday oo nin aan shaqo ku lahayn ku siisay-na, isaga laftiisii ayaa ila dacwiyey oo yidhi ‘ ninkaan doono ayaan siinayaa’. Haddaba haddii cid laga kiraynayo anigaa xaq u leh oo hantidaydii ka dhisan tahay, gurigayga iyo boostu waa isku gidaar illaa immikana sharcigeedii waan haystaa. Aniguna wasiirka hawlaha guud ergo badan oo dawlad leh, salaadiin leh oo shacbi lehba waan u diray, dhammaantood waa uu soo diiday, ergaduna waxa ay ku salaysnayd in aniga iyo dawladda aanay cidi u dhaxayn ilayn lama arag nin xaqiisii dawladdu ka qaaddo oo ay nin kale ka kirayso. Markuu wasiirka hawlaha guud na diiday waxaanu nimi madaxtooyada, waxaanan u tegey Wasiir Xirsi, illaahay khayr ha siiyo, waa nin caddaali ah waxaanu u sheegay wasiirka hawlaha guud in haddii dawladu kiraynayso meesha aniga layga kireeyo, wasiirka hawlaha guudna wuu diiday arrintaa. Markaa Md. Madaxweyne waxaad tahay nin caddaali ah oo cidii la dulmiyayo iyo inta jilicsanba u hiiliya, waxaanan kaa codsanayaa in aad Cabdirisaaq khaliif ah nin aan dal iyo dad u tudhayn iga qabato.

Allaa Mahad leh

Codsato: Muwaadinad Caasha Xuseen Maxamed

Hooyo Siddeetan Jir ah oo reer Somaliland ah

Comments are closed