|

Hooyadii Hadhi Weyday ““Wuxuu Geeriyooday Wiilkaygu Markuu Habeen Keliya U Hoyday Sweden Oo Uu Tahriib Ku Galay”

Hargaysa 01.Oct 2015 (SDN/QJ)- Hooyo dhashay wiil Soomaali ah oo lagu magacaabo Jaamac Cali Jaamac oo maydkiisu dhawr iyo sodon maalmood ku jiro qaboojiye dalka Sweden ayaa ka hadashay geerida wiilkeeda oo tahriib ku galay dalkaa, balse geeriyooday kadib markuu u hoyday habeen keliya, isla markaana waxay Hooyadani ugu baaqday cid kasta oo ka caawin kartaa inay ka saacido in maydka wiilkeeda la keeno soomaaliya ama loogu geeyo sweden si ay u aragto oo ugu qanacdo.

Hooyada dhashay wiilka geeriyooday oo lagu magacaabo Siraad Caanood Shire  oo degen gobolka Mudug oo la hadashay BBC laanteeda af soomaaliga ayaa sharaxaad ka bixisay qaabkii wiilkeedu ku tegay yurub, sidii uu u tahriibay, goortii xidhiidhkiisa ugu dambaysay iyo qodobo kale.  Nuxurka hadalkii ay waraysiga ku bixisay oo aanu soo koobnayna wuxuu u dhacayay sidan;

“Wiilkaygu 23 jir buu ahaa, Agoonimo ayaan ku soo koriyay, Aabihii wuxuu dhintay isagoo shan jir ah. Iskuul la yidhaahdo Cumar Samatar ayuu ka baxay, haddii uu ka baxay oo uu ka qalinjebiyay, waxaan u diray jaamacad Addis-Ababa ah, isagoo jaamacadii afar sanno dhiganaya ayuu ka tahriibay oo uu iga dhuuntay,  raali kamaan ahayn, oo waxbarashadda aan u diray in aan ku intifaacno ayaan doonayay, waxaan dhalay isagaa u yar.  wiilkii uu la seexan jiray wuu ka dhuuntay oo markii uu sii maqnaa afar habeen ayuu wiilkii ii soo sheegay, meeshii i go’day ilaahay uun baa sheegi kara. Suudaan marka uu marayo ayaan idhi maandhow soo noqo oo waan baryay, markaasuu igu yidhi hooyo meel aan ka soo noqdo ma joogo. Dhawr maalmood ayaan warkiisa waayay, Suudaan buu ka sii baxay, ka bacdii buu ila soo hadlay oo wuxuu i yidhi hooyo ninka magafe la yidhaahdo u soo dir afar kun iyo shan boqol ha loo soo diro. Markaa 4644-kun ayaan u diray. Wuu ka tegay  halkaa, maalmo ayaan hadalkiisii waayay, toddoba maalmood ayuu meel ku xidhnaa, markaasu ilaa soo hadlay oo yidhi hooyo toddoba maalmood ayaan xidhnaa ee waxaad ii soo dirtaa laba kun iyo laba boqol, labadii kun iyo labadii boqol baan diray, halkaasuu haddana ka baxay oo doon buu raacay oo ilaahay doonti wuu ka badbaadiyay oo talyaaniguu galay. wuu ka baxay haddana oo wuxuu qabtay halka uu ku dhimanayo imika ee Sweden, oo waxay geeridiisu igu soo gaadhay reer uu la hoyday oo uu telefoonkoodii igala soo hadlay ayaan  garaacay markaas la iga qaban waayay, telefoonkii ayaa mar dambe layga qabtay, waxay igu yidhaahdeen wiilkaasi wuu dhintay, bishu waxay ahayd 26/8/2015, meesha uu ku dhintayna wuxuu joogay habeen qudha. Telefoonkii waa layga qaban waayay, telefoonkale ayay qolo kale  iga soo garaacday oo ay igu yidhaahdeen, wiilkaasi wuu dhintay, oo sidee ku ogaateen wiilka soomaaliga ah ee la yidhaahdo Jaamac Cali Jaamac inuu dhintay ayaan ku idhi, waxba iimay sheegin kale.”

Hooyo Siraad waxay intaa ku sii dartay oo ay tidhi; “Wiilka waxa laygu yidhi shan iyo soddon maalmood buu talaagad ku jiraa, marka waxa laygu yidhi waxaa loo aasi waayay waxa la doonayaa ehelkiisii, aniguna ma gaadhayo oo qarash aan ku gaadho ma haysto, gacal iima joogo, waxaan muslimiinta ahayn oo ii jooga ma jirto. Sidaa darteed,Qurba-joogta muslimiinta ah, dawladda Somaaliya, Puntland iyo cid kastaba   waxaan ka codsanaya inay ii soo gudbiyaan wiilkayga maydkiisa ama ii geeyaan si aan aaskiisa uga qayb galo oo aan u arko.”

 

 

Comments are closed