Hoggaankii Xukuumaddu Dhawaan SOLJA U Cumaamadday Oo Safaf Dhaadheer u Galay Soo Dhaweynta Wasiir Cukuse, Xilli Janaasaddii Maxamed-rashiid Sii Qoyan tahay
Hargeysa:Jan,02,2015(SDN/QJ)-Hoggaanka Xukuumaddu Taageerto ee dhawaan la wareegay Hoggaanka Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja, ayaa shalay Safaf dhaadheer u galay Soo dhaweynta Wasiirka Warfaafinta Dalka oo shalay soo guryo noqday.
Xubnahan oo uu hoggaaminayey Guddoomiye Xuuto, isla-markaana ay hareero socdaan Xubno lagu daray Golaha dhexe ee Ururka, ayaa ku keliyeystay Soo dhaweynta Wasiirka, waxana Warbaahinta Dawladda laga arkay iyagoo si farxad leh usoo dhaweynaya Wasiirka.
Xubnahan ayaanay ka Muuqanin Murugada iyo Tacsida bahda Saxaafaddu ku jirto, waxana ay muujinayeen Farxad oo aanay Maanta Qabin Bahda Saxaafadda Madaxa Bannaan ee Dalku.
Waxa ay Kooxdani dhinaca ka dhaafsanayeen Baroordiiqda saxaafadda Madaxa Bannaani kaga jirto Geeridii Naxdinta lahayd eek u timi Xoghayihii hore ee Solja Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo dhawaan Geeriyooday.
Wasiirka Warfaafinta ayaa shalay helay Soo dhaweyn kaga timi Saxaafadda Madaxa Bannaan oo aanu waligii heli, iyadoo taariikhda aan hore loogu haynin saxaafad madax bannaani sheeganaysa oo ku dhex qasan xukuumadda, isla-markaana Wasiirradeeda soo dhaweymo u qabanaysa.
Dadkii xalay daawaday Soo dhaweyntii HOggaanka cusub ee SOLJA u samaysay Wasiirka Warfaafinta iyo Farxaddii madasha ka muuqatay, ayaa muujiyey in solja noqotay Xukuumaddii, isla-markaana aanu jirin urur xor ah oo solja la yidhaahdaa.
Waxa Xusid Mudan in Markii Marxum Maxamed-rashiid uu soo gaadhay Nabarka uu u geeriyooday uu ku jirey Halgan ka dhan ah afduubka Xukuumaddu ku Hayso Saxaafadda Madaxa Bannaan, waxana Gebi ahaanba Soo dhaweynta Solja ku qaabishay Wasiirka ka madhnayd muragada marxuumka geeriyooday inkastoo uu wasiirku markii dambe tacsi u diray.
Hoggaanka cusub ee ururka ayaa loo arkaa mid si toos ah ula safan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo caan ku ah cabudhinta Saxaafadda Madaxa Bannaan, waxana jira warwar ah inay Xubnahani gacantooda ku saxeexaan xeerar dabarro u noqon doona Xorriyatul qowlka oo lagu ciqaabo Xorrriyada saxaafadda Madaxa Bannaan.
SDN/QJ