|

Hoggaanka Waddani Oo Cambaareeyey Xadhigga Xukuumaddu U Geysatay Xildhibaannada Gabiley

Boorama:31-Oct-2013(SDN)-Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga mucaaridka ah ee WADANI Mudane Axmed Muumin Seed ayaa maalintii shalay si kulul u cambaareeyay xadhiga ay xukuumadu kula kacday xildhibaanada ay shacabku soo doorteen ee golaha degaanka ee degmada Gabilay.

Axmed-Muumin-Seed Gudoomiye ku xigeenku isaga oo ka hadlaya arintan waxa uu yidhi “Waxa aan cambaaraynayaa xadhiga ay xukuumadu kula kacday xildhibaanada Golaha Degaanka ee degmada Gabilay, waxa aan leeyahay waa tallaabo nuqsaan ku ah doorashooyinkii aan galnay, iyo sharafta xildhibaanka, sideedaba xildhibaanka golaha degaanku waxa uu la mid yahay xuldhibaanka golaha wakiilada ma aha in si sahlan loo xidho, waxa kale oo intan dheer waxa la xidhay ma aha xildhibaano ee shacabkii reer Gabilay oo dhan sababta oo ah, xildhibaanadu waxa ay ku fadhiyaan kumanaan cod ah oo lagu soo doortay, sidaasi aawadeed waxa aan xukuumada leeyahay waa in ay ka laabataa talaabadaas oo ay xildhibaanada xoriyadooda u soo celisaa”

 

Mar kale waxa uu gudoomiye ku xigeenku ka dareen celiyay safar ay dhawaan ku yimaadeen Boorama wasiiro ka tirsan xukuumada kaasi oo ku aadanaa dhinaca tahriibta waxana uu yidhi “Waa layaab wasiiro wacyigalin wadaa oo leh waxa aan dhalinta ka wacyigalinaynaa tahriibta, waxa aan leeyahay taasi looma baahna, waxa wacyigalinta iska leh axsaabta mucaaridka ah, waxa ay xukuumadu gacanta ku haysaa hantidii shacabka, waxa ay ahayd inay samayso shaqo abuur cadaalad ku salaysan, waxana aan aaminsanahay in dadka dhalinta ah ee dalka ka yaacayaa ay baxsanayaan Cadaalad darada, eexda iyo qabiilka xadhkaha soo goostay ee kor u kacay inta ay xukuumadan Kulmiye jiro.”

Hadalkan Guddoomiye Seed ayaa ka dambeeyey Xadhig ay xukuumaddu Dorraad kula kacday Xildhibaan ka tirsan Golaha Degaanka Gabiley, kaas oo keenay in Xildhibaanadii kalena ay jeelka is geeyaan iyagoo ka cabanaya in caddaalad darro lagu xidhay xildhibaankan Bulshadu soo Dooratay.

 

S.D.N.

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed