Hoggaanka KULMIYE Oo Lacago Ay Soo Ururiyeen Qaar Kamid ah Qurbejoogta Xisbigu Ku Wareejiyey Guddida Abaaraha DAAWO
Hargaysa 15. November 2016 (SDN/QJ):-Hoggaanka xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa lacag dhan $5300, oo ay madasha GOLAHA GUUSHA KULMIYE ee ay ku midaysan yihiin qaar kamid ah taageerayaasha qurbejoogga ah ee KULMIYE iska soo ururiyeen ku wareejiyey guddida abaaraha ee heer qaran.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, Md. Maxamed Kaahin Axmed oo ay wehelinayaan hoggaanka sare ee garabka haweenka xisbiga iyo saraakiil kale oo xisbiga katirsan, ayaa lacagtan isagu fart aka saaray guddida abaaraha ee heer qaran, waxana halkaas laga jeediyey hadallo mahadnaq iyo duco isku jira oo ay guddida abaaruhu kaga mahad celiyeen deeqdan ay qaar kamid ah taageerayaasha KULMIYE dadka abaartu taabatay ugu deeqeen.
Guddoomiye Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay inay saraakiisha xisiga iyo taageerayaashooduba diyaar u yihiin sidii ay qayb libaax uga qaadan lahaayeen deeqaha xaaladda abaarta lagaga hortegayo.