Hoggaanka KULMIYE oo hambalyo u diray shacabka Somaliland iyo Madaxweynaha Jabuuti, maxay tahay sababtu?
Hargeysa 25, June 2012 (SDN)- Hoggaanka xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, ayaa shacabka Somaliland ku hambalyeeyay sannad-guurada 52aad ee ka soo wareegtay markii gumaystihii Ingiriisku xorriyadda siiyay Somaliland.
Sida lagu sheegay qoraal uu soosaaray guddoomiyaha kumeel-gaadhka ah ee xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waxa uu guddoomiyuhu hambalyo taas la mid ah u diray Madaxweynaha Jabuuti iyo shacabka dalkaas oo uu ku hambalyeeyay xuska markii ay Jabuuti 1977 ka xorawday gumaystihii Faransiiska oo ku beegan 27 Juun, wuxuuna qoraalkaasi u dhignaa sidan; “Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ku hadlaya magaca xisbiga KULMIYE iyo taageerayaashiisa, waxa uu hambalyo iyo boggaadin u diraya shacabka Somaliland guddo iyo dibadba meel kasta oo ay joogaan, munaasibada 52 guuurada ka soo wareegtay markii Somaliland xornimada ka qaadatay boqortooyadii Ingiriiska 26 June. 1960. Waxa uu Ilaahay uga baryaya shacabka Somaliland inay horumar, nabadgelyo iyo barwaaqo ku gadhaan sannad-guuradan sannad-guuradeeda.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa uu hambalyo taas la mid ah ah u diraya madaxweynaha dawladda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, ahna guddoomiyaha xisbiga talada haya ee dawladda Jabuuti, iyo dadka reer Jabuuti, isaga oo ka hambalyeyna 27 June, 1977-kii oo ah maalintii ay Jabuuti ka xorowday guumaysigii Faransiiska, waxaannu Ilaahay uga baryayaan inay nabadgelyo iyo horumar ku gadhaan sannadaas sannadkiisa.”
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com