Hoggaanka Boliska Somalia Oo Sharraxay Sababta Meydka Talahooda Loogu Qaaday Nairobi
Muqdisho:Nov,02,2014(SDN/QJ)-Hoggaanka Booliska Somalia, gaar ahaan midka Gobolka Banaadir, ayaa ka Hadlay sababta Meydka Taliyhii ciidankaas loogu qaaday Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.
Taliska sare ayaa sheegay inay meydka u geeyeen Magaalada Nairobi arrimo la xidhiidha sidii baadhitaan loogu samayn lahaa sababaha keenay dhimashadii degdegga ahayd eek u timi.
Taliyaha, ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii ku geeriyooday Isbitaalka Ummada ee Degmada C/casiis, iyadoo baadhitaanada hore loogu sameeyay Isbitaalka Digfeer ee Degmada Hodan, waxaase ugu dambeyn baadhitaano heer ballaadhan ah loogu qaaday Magaalada Nairobi.
General Maxamed Cumar Yuusuf (Madaale), Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Banaadir oo Saxaafada kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu xaqiijiyay in meydka Taliyihii Booliska Somaliya loo duuliyay Magaalada Nairobi.
Taliyaha, ayaa ku waramaaya in Magaalada Nairobi lagu soo baadhi doono waxa sababay geerida ku timid General Maxamed Sheekh Xasan, isla-markaana ay tahay midda keentay in loo qaado Nairobi.
General Madaale oo ka gaabsanaaya waxa dhaliyay tuhunka intaa le’eg, ayaa dhanka kale waxa uu sheegay inay qaban qaabinayaan aaska loo sameynaayo Allaha u naxariistee Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil.
Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa habeenkii Jimcaha sheegay inay Xukuumadiisu dalbaneyso in baadhitaano lagu sameyso waxa sababay geerida Taliyaha.
Ugu yaraan lix ruux oo dhakhaatiir ay ku jirto, ayaa waxaa loo xdh xidhay tuhunka laga qabo in irbad sumeysan lagu muday/duray Jananka geeriyooday.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com