Hoggaamiye Sare Oo Al-shabaab ah Oo Aabihii Xalay Geeriyooday
Muqdisho:July,08,2014(SDN/QJ)-Waxa Habeenkii xalay maagalada muqdisho ku Geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Khalaf Aaden (Shangole) oo ahaa Aabaha dhalay Sheekh Fu’aad Shangole oo haatan Mansab sare ka haya Kooxda Al-shabaab.
Marxuum Shangole ayaa Taariikh dheer ku lahaa Sports-ka Soomaaliya laga soo bilaabo Xiligii Dowladii militeriga ahayd ee uu hoggaaminayey General Maxamed Siyaad Barre.
Geerida Marxuum Maxamed Khalaf Aaden (Shangole) ayaa waxa ay imaneysaa isagoo mudooyinkani ku xanuunsanayey Isbitaalada Magaalada Muqdisho, hayeeshee waxa uu Habeennimadii xalay u geeriyooday Xanuunkii haayay.
Shangole ayaa ahaa Captain-kii ugu horeeyay ee uu yeesho xulka Qaranka Soomaaliyeed, waxaana lagu xasuustaa in dhicitaankii Dowlada Siyaad Barre kadib soo saaray dhalinyaro badan oo iyagu jeclaa soo saarida Sumcada Somalia dhanka Sports-ka.
Dhanka kale, Wasaarada Sports-ka DFS ayaa Saaka wadda qorshe ay ku muujineyso kaalinta kaga aadan Aaska Khabiirkaasi geeriyooday, waxaana la filayaa in islamaantaba la Aaso Meydka Marxuumka.
Wiilka uu dhalay ee Fu’aad shan Go’le ayaa isagu aan muddo dheer arkin Aabihii, waxana uu Dagaalka kaga jiraa Goobo qarsoon oo aan cidina Ogayn, isagoo marmarka qaarkood lagu arko Gobolada Fogfog ee Kooxdiisu dagaalka ka waddo.
SDN./QJ