Hoggaamiye-ku-xi-xigeenkii Ururka ISIS Oo Maraykanku Sheegtay Inuu Duqayn Ku Dilay
Washington:Aug,22,2015(SDN/QJ)-War kasoo baxay Aqalka cad ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay inuu maraykanku duqayn ku dilay ku-xigeenka hoggaamiyaha Kooxda ISIS Fadhil Ahmed al-Hayali, kaas oo ku sugnaa Gudaha waddanka Ciraaq.
Hayali oo sidoo kale loo yiqiin Mutazz ayaa waxa ay dowlada Maraykanka ku tilmaaneen in uu ahaa qofkii labaad ee maamulayay ururka IS oo haatan haysta dhul ballaadhan oo ku yaal dalka Ciraq iyo Siiriya.
Weerarka lagu diley hogaamiye ku xigeenka IS ayaa la sheegay in uu ka dhacay meel ku dhow magaalada Mosul Talaadadii aynu ka soo gudubnay waxaana la duqeeyay gaadhi uu saarnaa hogaamiyahan.
Qaar kamid ah hogaamiyaasha ururka IS ayaa duqeyn lagu diley bilihii la soo dhaafay wadamada Siiriya iyo Ciraaq. Hogaamiyaha IS Abu Bakr al-Baghdadi ayaa la rumeysan yahay in uu ku dhaawacmay duqeyn bishii March ee sanadkan.
Duqeyntan la sheegay in lagu diley Hayali ayaa sidoo kale waxaa dadkii la dhintay ka mid ahaa Abu Abdullah oo u qeybsanaa arrimaha warfaafinta ururka IS.
Dhowr bilood kahor ayaa la sheegay in lagu diley duqeyn Abdulrahman Mustafa Mohammed oo isagu ahaa kaaliyaha hogaamiyaha ururka IS.
Aqalka Cad ayaa ku tilmaamay Hayali inuu ahaa qofkii isku xidhayay sidii la isaga kala gudbin lahaa hubka, waxyaalaha qarxa iyo gaadiidkaba wadamada Ciraq iyo Siiriya.
“Sidoo kale waxa uu mas’uul ka ahaa howlgalada ka dhacaya Ciraq isagoo qorsheeyay qaabkii lagula wareegi lahaa magaalada Mosul bishii June ee sanadkii hore.”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay Aqalka Cad ee dalka Maraykanka.
Mutazz ayaa ka gaadhay darajada ciidanka Colenel dowladii Saddam Xuseein ee ka talin jirtey dalka Ciraq waxana uu ka mid ahaa madaxda sarsare ee ururka IS kuwaasoo ka soo jeeda xukuumadii hore ee Saddam Xuseen.
SDN/QJ