|

Hoggaamiye ka Tirsanaa Kooxda Al-shabaab Oo Isu Dhiibay Dawladda Soomaaliyeed

Muqdisho:Sep,08,2014(SDN/QJ)-Waxa la shaaciyey sarkaalkii ugu horreeyey eek a faa’iidaysta Muddadii 45-ka cisho ahayd ee Dawladda Federalku sheegtay  inay Shabaabku isku soo dhiibi karaan.

shebSarkaal ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo magaciisa ku sheegay Maxamed Aadan Cabdiraxmaan, ayaa isagu maalintii shalay dawladda si rasmi ah iskugu dhiibay, isagoo sheegay inuu ka tanaasulay fikirkisii Al-shabaabnimada oo uu muddo dheer soo waday.

Sarkaalkan oo ay dawladdu soo bandhigtay, ayaa waxa uu sheegay in Shabaabka uu u qaabilsanaa horjoogida cutub ka mida ciidamada Al-shabaab oo ka dagaalama gobolada Juubooyinka iyo Gedo, waxa uu sheegay in uu ku jiray mudo Shan sano ah.

Horjoogahan ka tirsanaa Al-shabaab ayaa sheegay in ay ka dambaysay isa soo dhiibidiisa waalidiintiis oo uu sheegay in ay kala shaqeeyeen qaabkii uu uga soo bixi lahaa, isagoo sheegay soo bixitaankiisa in ay sababtay markii uu arkay khaladaad uu udul qaadan waayey iyo waalidiintiis oo aan la jeclaysan ku jirida Al-shabaab.

Aadan C/raxmaan oo ah aabbaha dhalay wiilkan ayaa waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay ka soo bixitanka Al-shabaab uu ka soo baxay wiilkiisa oo uu sheegay in mudo shan sao ah uu kala hadlayey in uu ka soo goosto Al-shabaab, waxa uu sheegay markii uu isa soo dhiibay in uu ku wargeliyey dowlada ayna dhaqan celin u furayso.

Afhayeenka Maxkamada Ciidamada C/laahi Muuse Keyse ayaa waxa uu sheegay in ay dowlada soo dhaweynayso isa soo dhiibtaanka xubanaha ka mid ah Alshabaab oo la mida Maxamed Aadan C/raxmaan oo maanta ay dowladu soo bandhigtay, waxa uu waalidiinta kula dardaarmay in ay ku daydaan waalida Maxamed oo ay ka shaqeeyaan sidii ay ugala soo bixi lahaayeen carruuta Kooxda Al-shabaab.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed