Hoggaamiyayaasha Mucaaridka Oo Haatan Maxkamadda Sare Ku Sugan Oo Go’aanka Dacwaddii ay Shalay Gudbiyeen Oo Goor Dhaw La Filayo
Hargeysa:Jully,27,2015(SDN/QJ)-Guddoomiya-yaasha ugu sarreeya Axsaabta Mucaaridka Somaliland, ayaa Haatan ku sugan Maxkamadda Sare ee Dalka, iyagoo sugaya Go’aanka Dacwad ay shirweyne Qaran ku dalbanayeen oo ay maalintii shalay u gudbiyeen Maxkamadda Sare ee Dalka.
Guddoomiyayaashan oo socdaal lug ah kasoo bilaabay Hutel Hadhwanaag ee Magaalada Hargeysa, isla-markaana ay hareero socdaan Boqollaal dadweyne oo taageerayaal ah, ayaa la filayaa inay maxkamadda kala soo baxaan Natiijada dacwadda ay shalay Gudbiyeen oo noqon karta in shirka ay doonayaan loo fasaxo iyo in laga diidaba.
Waxaana wararku hada nagu soo gaadhayaan in mas’uuliyiintani ay kulan gooni ay gudaha Maxkamada sare kula jiraan guddoomiyaha Maxkmadaas Pro.Aadan X.Cali oo ay shalay u gudbiyeen dacwad ay kaga cabanayaan in xukuumaddu u diiday in aanay shirka aanay wax shirar ah ku qabsan karin hoteelada dalka.
Illaa hada lama oga waxa ay ka wada-hadlayaan balse waxaa ay wararku tibaaxayaan in ay guddoomiyaha Maxkamadda sare ay mar kale u gudbiyenn sii xoojinta dacwadii ay maalintii shalay u gudbiyeen iyo siddii ay Maxkamadda sare go’aan deg-dag ah uga soo saari lahayd.
Waxaana ay wararku ku darayaan in guddoomiyaha Maxkamadda sare Pro.Aadan Xaaji Cali uu kula balamay in ay sugaan muddo saacado ah, una balan qaaday in uu shirka talo-qaran uu ka soo saari doono go’aan sharci ah.
Waxii warar ah ee arrintan ka soo kordhana, waxaanu idin la socod siin doona saacadaha soo socda.
SDN/QJ