Hoggaamiyaha Weerarkii Madxafka Bardo Ee Dalka Tunis Oo Toogasho Lagu Dilay
Tunis:Mar,30,2015(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan Xoogagga Amniga waddanka Tunis, waxana Ciidamadu Toogasho ku dileen Hoggaamiyiha Weerarkii dhawaan lagu qaaday Madxafka ku yaalla Dalkaas oo ay ku dhinteen Dad aad u tiro badani.
Warbixin ay Dowladdu soo saartay, ayaa lagu sheegay in hawlgal ka dhacay Gobolka Gafsa oo xuduuda Tunisia iyo Algeiria dhaca, lagu dilay Khaled Ben Hamadi Chaieb, oo sidoo kale loo garanayay Lokman Abou Sakhr.
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Tunisia, ayaa waxay weerarka Gobolka Gafsa ay ku dileen sagaal qof, oo laba ka mid ah ay dalka Algeria u dhasheen.
Warbixinta waxaa lagu xusay in hawlgalka lagu dilay raggan uu dhacay Sabtidii dorraad, markii Dowladdu ay heshay macluumaad muujinaya halka uu ku sugan yahay Khaled Ben Hamadi Chaieb.
Weerarka Madxafka Qaranka Bardo ee Magaalada Tunis oo dhacay 18-kii bishan, ayaa waxaa lagu dilay 22 qof oo u badnaa Ajaaniib dalxiise-yaal ah.
Xoogaga ammaanka Tunisia, ayaa weerarka Madxafka Qaranka waxay u xidhxidheen dad badan oo lala xidhiidhinayo argagaxisada, sidoo kalana Dowladdu waxay shaqada ka ceydhisay ilaa lix Sarkaal, oo uu ku jiro Taliyihii Booliska ee Magaalada Tunis.
Dhanka kale dhowr kun oo qof, ayaa shakat isugu soo baxay Magaalada Tunis, kuwaas oo ka soo horjeedan weerarkii Madxafka Bardo, waxayna muujiyen sida ay kaga xun yihiin dadkii lagu laayay.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com