|

Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Oo Hadallo Cunsuriyeysan Hadawada u Mariyey Dhiggiisa Maraykanka

Bionyang:Dec,28,2014(SDN/QJ)-Waxa Meel xaasaasiyad leh maraya xafiiltan dhinaca warbaahinta ah ee dhexmaraya Madaxweyne Obama iyo DHiggiisa ka arimiya dalka Waqooyiga Kuriya Kim Jong-Un.

biyonKadib markii uu Madaxweyne Obama ku cadaadiyey shirkadda Sonny inay sii dayso film-kii wax lagaga sheegayey Hoggaamiyaha Kuriya, ayuu Hoggaamiye Jong-Un, waxa uu Arrintaas kaga jawaabay Hadallo cunsuriyadaysan oo uu Obama Warbaahinta u mariyey.

Hadalka Hoggaamiye Jong-Un ku cunsuriyadeeyey Madaxweyne Obama, ayaa sidatan u dhignaa: ‘ Obama Waa Daanyeer ku nool  Meel Duur ah’.balse hadalkaas wali Maraykanku wax jawaab ah kama uu bixinin.

Sidoo kale North Korea ayaa ku eedeysay in Mareykanka ay ka dambeeyay siideynta filmka ka Sony ay joojisay kadib markii la jabsaday macaluumadkooda.

Filmka ayaa lacag ka badan $1 million soo xareeyay maalinti ugu horeysay, wuxuna noqday filmka loogu kireysiga badanyaha.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed