|

Hoggaamiyaha WADDANI Oo Ka Hadlay Cayimaadda Doorashada Ee Madaxweynaha Iyo Xilka Guddoomiyahoodu Ka Hayo Wakiillada

Hargaysa 14. June 2017 (SDN/QJ):- Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali X Xasan, ayaa Madaxweynaha ku bogaadiyey cayimida maalinta Doorashada, isla markaana sheegay inay Xisbi ahaan diyaar u yihiin, waxaanu sheegay in doorashadu xilligeeda ku qabsoontaa ay ku danta Somaliland ku jirto.

 

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali X Xasan oo Wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Himilo ayaa ugu horreyn ka hadlay aragtida uu Xisbigiisu ka qabo cayimaada maalinta doorashada, waxaanu yidhi “Cayimida maalinta doorashada waan ku hambalyeynayaa Madaxweynaha JSL, waanan ku faraxsanahay, waxaanan u arkaa inay danta Somaliland ku jirto in aanay doorashadu waqtigeeda ka dib dhicin, runtiina dib-u-dhacyadii hore may ahayn kuwo inoo habboonaa, markaa waxaan leeyahay culeyska hala saaro sidii waqtigeeda loogu qaban lahaa, Xisbi ahaana diyaar ayaanu u nahay oo waxba nagama dhul yaalaan”.

Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani waxa kale oo uu intaasi ku daray “Tartankaa doorashada Madaxtooyada ee loo diyaar garoobayana Ilaahay waxaan ka rajeeynayaa inuu ka dhigo Guul Somaliland usoo hoyota iyo isku duubnideena”.

Xirsi oo ka jawaabaya sida uu u arko in Xukuumadu ku wareejisay Guddiga Doorashooyinka Qaranka JSL wajigii koowaad ee lacagta loogu talo galay in doorashada lagu qabto “Runtii, mar haddii Madaxweynuhu cayimay maalinta doorashada, lacagtiina qaybtii u horreysay la bixiyey dareen fiican ayaan ka qabaa, waxaanan ku dhiiri galinayaa in inta ka dhimmana la dhameystiro”.

Xirsi, waxa kale oo Wargeyska Himilo weydiiyay rejada uu ka qabo hawlaha farsamo ee doorashada in lagu dhameystiri karo waqtiga haatan ka hadhay “Waxaan aaminsanahay in doorashada la qaban karo oo doorasho xor iyo xalaal ah la qaban karo, iyo inay Somaliland muhiim u tahay in doorashada waqtigeeda lagu qabto”.

Dhinaca kalena, Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI waxa uu ka jawaabay su’aal wargeyska Himilo ka weydiiyey  maaddaama oo la cayimay maalinta Doorashadu dhacayso xilliga uu u maleynayo in Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ka degayo Xilka Golaha Wakiillada, ayaa ku jawaabay “Doorashada ayaanu u diyaar garoobaynay, Cabdiraxmaana maalintii u danbaysay wuu ka hadlay inuu xilkaasi ka degi doono, waqtigaasina Baarlamaanka ayey khusaysaa oo aniguna kama mid ihi, Laakiin, waxaan rejaynayaa inay waqti aan fogeyn noqoto oo ay si wanaagsan u dhammaato”. Ayuu yidhi Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali X Xasan

Comments are closed