|

Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Iiraan Khamenei oo Macneeyay erayga ‘Death to America’

Tahraan,5Nov,2015(QJ/SDN)-Hoggaamiyaha sare ee dalka Iiraan ayaa sheegay in halku dhigga ah “Death to America” ama Ameerika ha dhimato aan loola jeedin shacabka Mareykanka, balse loola jeedo siyaasadda Mareykanka.

Hadal lasoo dhigay website-kiisa ayuu Ayatollah Ali Khamenei kaga hadlay halku dhiggan isaga oo kulan la qaatay ardayda Iran kahor xuska qabsashadii safaaradda Mareykanka ee magaalada Tehran afartii November ee 1979-kii.

Labada waddan ee Iiraan iyo Mareykanka ayaan wax xiriir ah lahayn tan iyo xilligaas.

Si kastaba, hogaamiyaha iminka talada haya Hassan Rouhani ayaa sameeyey dadaallo uu ku hormarinayo xiriirka, oo ay ku jirto heshiiskii laga gaaray barnaamijka Nuclear-ka ee dalkaas.

Khamenei waxa uu yiri “Ujeeddada Ameerika ha dhimato, loolama jeedo shacabka dalka Mareykanka, ee waxaa looga jeeda ha dhimato siyaasadda Mareykanka iyo isla-weynida Mareykanka”.

Waxa uu ardaydii uu la kulmay u sheegay inaysan marnaba aaminin Mareykanka, isaga oo yiri “Mareykanka waxa ay iska hor ilmeysiiyeen kaamirada horteeda, iyagoo iska dhigaya dad neceb dagaalka, balse waa dadka aan ka damqan marka Yahuudda ay boqolaal caruur ah ku gowracayaan Gaza”.

Xigasho: VOA Somali

 

Comments are closed