|

Hoggaamiyaha Oromada Itoobiya oo Argaggixisannimo lagu eedeeyey, loona Diiday Dammaanad

Addis Ababa 28. January 2017 (SDN/QJ):- Hogaamiyaha Mucaaradka Itoobiya ahna Gudoomiyaha Ururka lagu magacaabo Oromo Federalist Congress (OFC) Dr. Merera Gudina, ayaa Maxkamadda Itoobiya u diidday inay ku sii dayso dammaanad.

Dr. Gudina, ayaa waajahaya Dacwad la xidhiidha Argaggixisannimo oo ay dawladda Federaalka Itoobiya ku eedeeysay, kuna sheegtay inuu la kulmay Xubno dawladda ka soo horjeeda intii lagu guda jiray Safar uu Yurub ku tegay sannadkii la soo dhaafay.

Wargayska Addis Standard, ayaa sheegay in Maxkamaddu ay siisay Dacwad Oogayaasha 28 maalmood oo dheeraad ah in ay sii wadaan baadhitaanka kiisaska loo haysto Dr. Merera Gudina.

Qareennada u doodaya Dr. Gudina, ayaa iyagana Wargeyskau sheegay inay ku guul-darraysteen isku-day ah in la codsado in lagu sii daayo dammiin oo la joojiyo eedeemaha la xidhiidha Argaggixisannimada.

Markii ugu dambeeysay ee uu ka soo hor-muuqday Maxkamadda, Qareennadiisa ayaa sheegay in Gudina uu ku celceliyey, isla markaana beeniyay eedaymaha loo haysto ee Argaggixisannimada, Isaga oo sheegay in uu ku qaatay Cimrigiisa oo dhan wax kasta oo kaso horjeeda rabshadaha iyo Argaggixisada.

Comments are closed