|

Hoggaamiyaha Kooxda Boko Xaram Oo Caddeeyey In La Guursaday Dhammaan Hablihii Ardayda Ahaa ee ay Afduubka u Haysteen

Lagos:Nov,01,2014(SDN/QJ)-Hoggaamiyaha Kooxda Boko Xaram ee ka dagaallanta Waqooyiga dalka Nigeria, ayaa beeniyey inay wax heshiis ah la gaadheen Dawladda Dalkaas, waxana uu tilmaamay in dhammaaba Hablihii kooxdiisu afduubka u haysatay la wada Guursaday.

sabayXukuumadda Nigeria ayaa todobaadyo ka hor shaacisay in ay xabad joojin la gashay Boko Haram, balse kooxda, ayaa iska sii wadata Dagaallada ay ku qabsanayo Goobo cusub ee Dalkaasi kamid ah.

Vidiyow cusub ayey kooxda soo saartay, ayuu Afhayeenka kooxdu kasoo Muuqday, waxana uu ku adkaystay in dhammaanba Hablihii 200 ahaa ee ay gacanta ku hayeen haatan yihiin xaasaska rag ka tirsan Mujaahidiintooda.

Gabdhahaas oo laga afduubay Waqooyi Bari ee Dalka Nigeraia, ayaa kooxda Boko Haram waxa ay sidoo kale sheegtay in ay gabdhahaasi qaateen diinta Islaamka.

“Miyaydaan Ogayn in Gabdhihii Iskuulka Magaalada Chibok ay qaateen Diinta Islaamka, waxay hada xafideen laba Jis oo Qur’aanka Kariimka ah” ayuu Hogaamiyaha Boko Haram ku yidhi Muuqaal ay heshay AFP.

Waxa uu intaasi raaciyay Abubakar Shekau “Dhamaantood Hablaha waa la guursaday,waxayna joogaan Gur yahoodii lagu guursaday”.

Boqolaal dumar ah ayey kooxdan ka afduubatay dalka Nigeria tan iyo 2009-kii, waxaana Boko Haram bayaan hore ay usoo saartay ku sheegay inay adoon ahaan u Iibin doonaan Gabdhahan, iyagoo sidoo kale ku sheegay inay ku bedelan doonaan Maxaabiis ka xidhan.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed