|

Hoggaamiyaha koox Fanaaniin ah oo maraykan ah oo islaamay, haatana ka ganacsada dalka sucuudiga !

Washington 12. February 2017 (SDN/QJ):- Nin u dhashay Dalka Maraykanka oo la yidhaa Mudaac Bill, oo haatan ku sugan Dalkaasi Sucuudiga oo hore uga mid ahaan jiray fannaaniinta ugu caansan Maraykanka gaar ahaan heesaha loo yaqaano Raabka.

Mudaac Bill oo wareysi siiyay shabakada wararka ee Al-arabiya Oo Wargeyska Himilo tarjumay ayaa waxa uu yidhi “Waxa aan muddo 11 sano ah ku soo jiray Fanka raabka kadib markii Ninkii hoggaaminayay kooxdii aan ka trisana uu geeriyooday aniga ayaa noqday hoggaamiyaha kooxdaasi, kooxdan aan ka tirsanaan jirayna waxay ahayd kooxda loo yaqaan Tu Pac, waxaanan go’aansaday in aan ka baxo kooxdaasi oo aan qaato Diinta islaamka”.

Mudaac ayaa markii uu qaatay Diinta Islaamka waxa uu u soo guuray Dalka Sucuudiga waxaanu noqday shaqaale isagu naftiisa u xoogsada isla markaana waxa uu ka hawl galaa mid ka mid ah Maqaaxiyaha laga cabbo Bunka ee ku yaala magaalada Abha ee Dalkaasi.

Comments are closed