|

Hoggaamiyaha Al-shabaab Oo Farriin Gaar ah u Diray Kooxda Ku Dagaallanta Magaca Amiirkii Isaga Ka Horreeyey Ee Abu Zubayr

Baardheere:Jully,18,2015,(SDN/QJ)-Hoggaamiyaha Kooxda Al-shabaab, ayaa cod laga soo duubay waxa uu guubaabo ugu diray Garabka Kooxdiisa kamidka ah eek u hawlagala Magaca amiirkii isaga ka horreeyey ee Abu Zubayr.

Abu-CubaydaSheekh Axmed Cumar Abu Cubaydah oo ka hadlaayay arimo kala duwan ayaa wuxuu soo hadal qaaday weerarada ciidamada Shabaab ay ka geystaan Magaalada Muqdisho iyo deeganada kale, weeraradaasi oo lala beegsado ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom.

Amiirka Al Shabaab ayaa bogaadiyay guutada loogu magacdaray Sheekh Abuu Zubeyr, guutadaasi oo markii la magacaabay lasoo baxay dar dar culus oo ku aadan weerarada ay ka geysanayaan dalka

“Waxaan Sidoo kale isla munaasabaddan halkaan ugu bishaareyneynaa umadda Muslimka ah dhismaha Guutada cusub ee dhawaan lagu dhawaaqay taas oo ah “Guutada Ashahiid Abuu Zubeyra –Allaha ka aqbalo Shahaadadiisee- Waxaana ku dhiira gelineynaa Fursaanteeda iyo geesiyaasheeda bilowga xoogan ee ay ku dhaqaaqeen, Waxaana u direynaa tahniyad ku aadan Munaasabadda Ciidda, Waxaana ugu hambalyeyneynaa camaliyaatkoodii ugu dambeeyey ee gilgilay Tiirarka Kufriga. Waxaan idiin leenahay hore u socda oo Kordhiya weeraradiina ka dhan ah Kufaarta, Waxaana Allah weydiisaneynaa in uu idiin xifdiyo, Hadafkiina iyo go’aankiina uu sugo.” Ayuu yidhi Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubeyda Amiirka Shabaab.

Guutadan cusub ee Sheekh Abuu Zubeyr loogu magacdaray ayaa qaabilsan kaliya la dagaalanka ciidanka Amisom, waana ciidankii ka dambeeyay weerarkii lagu xasuuqay ciidamada Amisom ee ka dhacay deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Xoogaga Shabaab ayaa hada u muuqda kuwa dib u soo noolaanaaya awoodooda ku aadan dagaalka Somalia ay ka wadaan, maadaama ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ay siiyeen ciidankaasi fursado ku aadan inay dib u soo noolaadaan, maadaama deegaano badan ay ka baxeen ciidamada.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed