Hoggaamiyaal Xilal Horay Uga soo qabtay Dawlada Somalia Oo Lagu Casuumay Deegaanka Puntland,
Garowe, 04 January, 2016 (SDN/QJ): Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed, Cali Maxamed Geed iyo siyaasiyiin caan ah ayaa maanta kasoo degay gagida diyaaradaha magalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.
Masuuliyiintan ayaa socdaalkooda salka ku hayaa ka qayb galka munaasibadda lagu furayo garoonka diyaaradaha Bosaso, iyo xaflada uu ku dagaal degayo madaxwayne Cabdiweli Cali Gaas ee 8-Janaayo oo ku beegan xilligii uu xilkan ku guulaystay.
Siyaasiyiinta la socday labadaan masuul ayaa kala ah Salaad Cali Jeelle iyo Cabdiraxmaan Baadiyow, waxaana lagu wadaa inay caawa soo gaaraan magalo madaxda Garowe.
Masuuliyiintan ayaa ka mahad celiyay soo dhaweynta loogu sameeyay garoonka diyaaradaha Cabdilaahi Yuusuf ee magalada Gaalkacyo waxay kaloo amaaneen kala danbaynta xagga mamulka ee Gobalka Mudug.
Shirka la-xisaabtanka xukumadda ee ka soca magalada Garowe ayaa marka uu soo dhamaado maalinta berito ah waxaa lagu wadaa in madaxdani martida ah iyo kuwa dowladda Puntland u dhaqaaqaan xagga magalada Bosaso oo laga diyaarinayo munaasibadda Airport-ka lagu furayo.