|

Hoggaamiya-yaasha Dalalka Zimbabwi Iyo S/Afrika Oo Jawaab Soo Daahday Ka Bixiyey Xasuuqii Ka Dhacay Jaamacadda Garisa

Johansburg:April,11,2015(SDN/QJ)-Toddobaad kadib markii Ururka Al-shabaab, ay Xasuuq Ba’an u geysteen Ardaydii wax ka  baran jirtey Jaamacadda Garisa ee W/Bari Dalka Kenya, ayey Madaxweynayaasha Dowladaha K/Afrika iyo Zimbabwe Jacop Zuma iyo Robert Mogabe kasoo saareen Warbixin arrintaas jawaab u ah.

virLabada Madaxweyne  oo ku kulmay Dalka S/Afrika, ayaa ka wadahadlay xidhiidhka labada dal iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada horumarka, siyaasadda iyo ammaanka, iyagoona si wadajir ah isugu af gartay dhammaanba waxyaabihii ay ka wadahadleen.

Shir jaraa’id oo labada Madaxweyne ay qabteen kaddib ayaa waxay ku cambaareeyeen mashaqadii ururka Al-Shabaab uu dhowaan ka geystay dalka Kenya, iyagoona tacsi u diray madaxda iyo shacabka dalka Kenya.

Madaxweynaha Zimbabwe ayaa ugu baaqay dalalka Afrika inay u midoobaan wax kasta oo cadow ku ah nabadgelyada iyo xasiloonida dalalkooda, isagoona ku booriyay dalalka Afrika inay si adag uga hortagaan kooxda Al-Shabaab oo dhowaan xasuuq u geysatay arday dhiganeysay Jaamacadda Gaarisa.

Dhinaca kale labada Madaxweyne ayaa hoosta ka xariiqay in dalalka Afrika ay khatar ku yihiin kooxaha argagixisada ah, sidaasi darteedna ay lagama maarmaan tahay in dowladaha Afrika ay xidhiidh joogto ah oo dhinaca amniga ah uu dhex maro.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed