Hogaanka Xisbiga Kulmiye oo Soo dhaweeyay Go’aankii Madaxweyne Siilaanyo ee Qaadacaada Shirka London
Hargaysa 20.April (SDN) Shir jaraa’id oo masuuliyiinta xisbioga kulmiye ay maanta ku qabteen xaruntooda magaalada Hargaysa ayaa waxa ay ku soo dhaweeyeen go’aanka madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland md. Axmed maxamed maxamuud Siilaanyo uu ka qaatay shirka Somalia loogu qabanyo magaalada London horaanta bisha dambe.
Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbiga kulmiye md.Maxamed Kaahin Axmed ayaa shirkaa jaraa.d ka sheegay mawqifka madaxweynaha Somaliland ka qaatay shirkaas oo uu ku sheegay in aan Somaliland meeli uga banaanayn
Waxaana uu intaa ku daray md. Maxamed Kaahin in go’aanka geesinimada leh ee u qaatay Md Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo in aanu waxba u dhimayn xidhiidhka Somaliland iyo dalka Ingiriska.
Shirkan jaraa’iid gudoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbiga kulmiye waxa ku wahelinayey xubno ka mid ah golaha dhexe iyo gudiga fulinta ee xisbiga.
Hargaysa SDN.
qurbejoog.com