Hogaanka Kulmiye oo Tiro kale ku kordhiyey Ergooyinkii Shirweynaha Kulmiye
Hargeysa,1.Apr.2014(SDN)- Hogaanka Xisbiga Kulmiye ayaa shalay kulan xaasaasi ah ka yeeshay qaybinta Ergooyinka ka soo qayb gali doona Shirweynaha kuwaasoo dhawaan guddida qaban qaabadu dhawr jeer kordhisay tirada Guud ee Ergooyinka, balse muran iyo khilaaf ka dhashay darteed waxa ay shalay hogaanku ku kordhiyeen laba boqol iyo labaatan Ergay oo dheeraad ah.
Tirada guud ee Ergooyinka ayay korodhsiimada shalay ka dhigaysaa kun boqol iyo kow iyo Lixdan Ergay (1161), taasoo tirada korodhsiimada ah ee ka muuqata loogu daray Goboladdii cabashada ka muujiyey talo soo jeedintii Guddida qaban qaabada oo 941 Ergay ku fadhiisiisay tirada Guud.
Kulanka shalay oo aroornimadii ku qabsoomay Guriga Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici ayaa la sheegay in khilaaf iyo Dood adagi ku dhex martay Hogaanka, taasoo sababtay In Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ka cadhoodo shirka.
Sida Xeerka Xisbiga Kulmiye dhigayo Hogaanka Xisbigu waxa uu qorshahan cusub u gudbin doonaan Guddida Fulinta Xisbiga kuwaas oo ka gaadhi doona go’aanka kama danbaysta ah ee lagu hawl-geli doono.
Hargaysa SDN.
Contact@somalidiasporanews.com
Xigasho: Wargayska Waheen.