|

Hogaanka Dhaqanka Digil iyo Mirifle oo Baaq ka Soo saaray Hanaanka Road Mapka

BAAQ KA SOO BAXEY DHAQANKII SOO JIREENKA AHAA EE DIGIL IYO MIRIFLE.

BISMILLAAHI ARRAXMAANI ARRAXIIMI

 

KU: SAXIIXEYAASHA GEEDI SOCODKA IYO SHACABKA SOMALIYED.

KU: WAKIILKA QARAMADA MIDOWDEY EE SOMALIA DR MAHIIGA.

KU: BEESHA CAALAMKA, URUR GOBOLEEDYADA AFRIKA, EU, AU,UN.

 

SHIR BALLAARAN OO ISUGU YIMAADEEN DHAQANKA SOO JIREENKA AHAA EE BEELAHA DIGIL IYO MIRIFLE, SIYAASIYIINTOODA, AQOONYAHANADOODA, DHALLINYARADA, HAWEENKA, CULMAA’UDDIINKA GUDAHA IYO DIBADDABA, LAGANA DOODEY ARRIMAHA SIYAASADDA, NABAD GELYADA IYO HORUMARINTA BULSHO WEYNTA DIGIL IYO MIRIFLE AYAA DOOD DHEER KA DIB LAGA SOO SAAREY BAAQA HOOS KU QORAN:

 

    1. INEY BEELWEYNTA DIGIL & MIRIFLE AY TAAGEEREYSO DADAALKA AAN KAL HARKA LAHAYN OO AY BEESHA CAALAMKA UGU JIRTO XALLINTA DHIBAATADA SOMALIA OO DHOWR IYO LABAATAN JIRSATEY.
    2. WAXAA KALE AY BEESHA SI BUUXDA U TAAGEERTEY HESHIISYADII GAROOWE I IYO II, KII LONDON UK, KII ADDIS ABABA IYO KII UGU DAMBEEYEY EE LAGU QABTEY ISTANBUL DALKA TURKIGA OO DHAMAAN KA SOO BAXEEN QODOBO LA DOONAAYO IN LAGU XALLIYO DHIBAATADA GAAMUURTEY EE SOMALIA.
    3. WAXEY BEELWEYNTA DIGIL IYO MIRIFLE CAMBAAREYNEYSAA QAABKA AY MADAXDA DAWLADDA KMG AY U MAAMUSHEY SOO XULITAANKA DHAQANKA SOMALIYED UNA ADEEGSATEY AWOODII DAWLADEED SI AY UGU SOO NOQOTO AY SI TOOS AH U SOO MAGACAABATEY DHAQAN GACAN KU RIMIS  OO BUG AH.
    4. DAWLADDA KMG WAXEY SI BAREER AH UGU XADGUDUBTEY HESHIISYADII AY LA SOO GASHEY DHINACYADII KALE EE SAXIIXEYAASHA ROAD MAPKA OO SI AAN SHAKKI KU JIRIN UGU CADAA INAAN LA BAAL MARIN QAABKII LAGU SOO HESHIIYEY KA GUDUBKA KU MEEL GAARNIMADA, LAAKIN NASIIB DARRO IYO DULMI JACEEL DARTII AY MADAXDA TFGda UGU XAD GUDBEYSO.
    5. BEELWEYNTA DIGIL IYO MIRIFLE WAXEY NASIIB DARRO KU TILMAANTEY KHUDBADII UU LABA MAALMO KA HOR MADAXWEYNE SH. SHARIIF U JEEDIYEY DHAQANKA AY SOO SAMEYSTEEN KUNA YIRI “ DHAQAN LEYSKU HAYSTO MA JIRO, MARKA LAGA REEBO BEESHA TUNNI OO LABA ILMO ADEER AH ISKU HAYSATO” IYO INUU YIRI DHAQANKA KUWII RUNTA AHAA AYAA JOOGA AMA KUWO AY IYAGU SOO WAKIISHTEEN OO XAQIIQDA AAD IYO AAD UGA FOG.
    6. HADDII AY DHAQANKII XALAASHA AHAA JOOGAAN SHIRKA MAXAA KALLIFEY IN ODEY DHAQMEEDKII ASALKA AHAA INEY IDAACADAHA KA HADLAAN OO AY YIRAAHDAAN “ ANNAGA XAQEYNA IYO KARAAMADEYNA AYAA MEEL LOOGA DHACEY TAASOO AYSAN KU KALI AHAYNIN OO AY LA WADAAGAAN BEELAHA KALE EE  SOMALIA OO DHAN OO SIDA DHABTA AH KULLIGOODA KA HADLEY WAR-BAAHINTA GUDAHA SOMALIA IYO DIBADDABA.
    7. BEESHA DIGIL IYO MIRIFLE WAXEY TAAGEEREYSAA XAQQA LANA DIRIREYSAA DULMIGA IYO KU TAKRIFALIDDA AWOODDA QARANKA SOMALIYED, WAXEY AAD IYO AAD UGA XUMAATEY MEEL KA DHACA LAGU SAMEEYEY DHAQANKII SOMALIYED OO SOO JIREEN AHAA GUUD AHAAN, GAAR AHAAN BEESHA GOOBROON, BIYAMAAL IYO TUNNI SHAN GAMAAS OO AHAA BEELIHII 11KA SANO LA SOO DAGALLAMEY TALYAANIGA IYO INGIRIISKA DHIIGOODNA U SOO DAADIYEY WADDANKA IYAGOO AHAA KUWII DOORKA LIBAAXEED KA SOO QAATEY AASAASKII SYL OO DALKA IYO DADKABA U HORSEEDEY XORRIYADDA OO NASIIB DARRO AYSAN HELIN XUSHMADII AY KU LAHAAYEEN QARANIMADA IYO DAWLADNIMADABA.

 

UGU DAMBEYNTII WAXEY BEESHA DIGIL IYO MIRIFLE SOO JEEDINEYSAA:

 

    1. IN GEEDI SOCODKA ROAD MAPKA LOO FULIYO SIDII LOOGU SOO HESHIIYEY , SI DEG DEG AHNA LOO JOOJIYO XAD GUDUBKA  MADAXDA TFGda AY KU SAMEYSEY  , LANA SAXO KHALDAADKA LAGA GALEY DHAQANKII SOO JIREENKA AHAA EE SOMALIA.
    2. INEY BEESHA CAALAMKA KU KORMEERTO SAXIIXEYAASHA FULINTA HESHIISYADOODA, KANA REEBTO INEY SI TOOS AH AMA SI DADBANBA UGA FAA’IIDEYSTAAN SOO XULITAANKA GUDDIYADA ANSAXINTA DASTUURKA QABYO QORAALKA AH IYO KAN XILDHIBAANADA CUSUB SI AY UGU SOO NOQDAAN SIYAASADDA MUSTAQBALKA SOMALIA, TAASOO HADDII AY DHACDO U HORSEEDI KARTO SOMALIA BUR BUR IYO HALAAG CUSUB.
    3. IN SHACABKA SOMALIYED AY KA DHIIDHIYAAN XAD GUDBYADA AY GEYSANAYAAN MADAXDII SAXIIXAYAASHA  QAARKOODA, ISKANA DIIDAAN OO AY ISKA QAADAN DULMIGA MAGACOODA LAGU SAMEYNAAYO SI LOO GAARO NABAD IYO WADA NOOLAANSHO WAARTA , HADDII KALE WAXAAN SHAKII KU JIRIN INUU ILAAHEEY MARNABA TAAGEEREYNIN DULMIGA BALAAN QAADEYNA INUU SUULINAAYO.
    4. WAA IN LA MAGACAABO GUDDI KA MADX BANAAN SAXIIXEYAASHA IYO DKMG  OO SAXA KHALDAADKA JIRA SIDA KAN DHAQANKA ( ARBITRATION COMMITTEE ) , DHAQANKA SAXDA AHAAN LOO MADAX BANEEYO INEY SOO XUSHAAN XILDHIBAANADA BEELAHOODA U MATAHLI DOONO , IYO IN LA SAMEEYO GUDDI AAD IYO AAD U MADAX BANAAN  OO LOO IGMADO FULINTA HAWLAHA DOORASHADA MADAXDA DALKA ( INDEPENDENT ELECTORAL COMMISSION) ARRIMAHAAS OO SAHLI KARA IN SI NADIIF AH LOOGA GUDBO MARXALADDA KU MEEL GAARKA AH.

 

 

WA BILLAAHI TOWFIIW

 

DHAQANKA DIGIL IYO MIRIFLE.

 

Comments are closed