Hogaanka Cusub ee Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Punt land oo Xilkii la Wareegay SAWIRO
Garowe 24.Jan 2014 (SDN)-Munaasibadda caleemo saarka madaxda cusub ee dowladda Puntland ayaa Maanta lagu qabtay xarunta Hay’adda PDRC ee magalada Garowe, waxayna socotay mudo saacado ah,Waxaa Madashaa Goob joog ka ahaa QM, EU, IGAD,Norwey,Turkiga,Talyaaniga,Itoobiya,Jabuuti,DFS,mamulka Jubba,Galmudug,xildhibaano hore,siyaasiyiin magac ku leh Somalia, haween, aqoon yahano, qurba joog madaxwaynihii hore Cabdiraxman Farole, Cadde Muse ayaa xaflada caleemo saarka ka qayn galay,waxayna dhamaan dadkaasi tilmaameen inay Puntland gaartay heer wanaagsan oo lagu faani karo.
Safiirka Midowga Yurub ee Somalia kan QM , masuuliyiin ka socday dalal badan oo saaxiib dhow la ah Somalia ayaa munaasibada ka hadlay waxayna dhamaantood soo dhaweeyeen madaxda cusub ee dowladda Puntland oo ay ku tilmaameen inay yihiin dad karti u leh wax u qabashada dadkooda.
Wafdiyadii kale ee mamulada dalka ka socday iyo dalalka Jabuti iyo Itoobiya ayaa dhankooda boggaadiyey madaxda cusub.
Madaxwaynihii hore ee Dowladda Puntland Gen.Maxamud Muse Xirsi (Cadde Muse) oo goobta ka hadlay ayaa madaxda cusub kula dardaarmay inay si wanaagsan oo cadaalad ah dadkooda ugu shaqeeyaan isla markasna ay ka fogaadaan wax la yiraaho nin jeclaysi.
Madaxwaynaha dhowaan xilka ka dagay Dr.CabdiRaxmaan Shiikh Maxamed (Farole) oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa kasoo jeediyay xaladda ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in xili kasta laga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, wuxuna balan qaaday inta awoodiisa ah inuu la shaqayn doono madaxda cusub uuna ka taageeri doono waxay u baahan yihiin.
Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxmaed Cali(Gaas) oo soo jeediyay khudbad uu ku akhriyay afka Ingiriiska ayaa ku cabiray waxyaabaha uu shanta sano xooga saari doono,waxaa ka mid ahaa arrimaha uu ka hadlay adkaynta ammaanka, hagaajinta kaabayaasha dhaqaalaha,midnimada iyo gaarsiinta addeegyadda shacabka Puntland oo idil, mUujinta kalsoonida shacabka iyo arrimo kale oo aad u faro badan.
Gaas waxa uu dhamaan dadkii kasoo qayb galay xaflada caleemo saarka uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay codsiga loo diray usoo ajiibeen.
Galabta ayaa lagu wadaa xaflad balaaran oo ka dhacaysa xarunta madaxtooyadda inay kasoo qayb gallaan dad lagu qiyaasay 2500 oo qof oo dalka iyo dibada ka kala yimi.
Ammaanka magalada Garowe ayaa si wayn loo adkeeyay waxana wadooyinka muhiimka ah la dhigay ciidamo aad u faro badan.
Garowe SDN.
Qurbejoog.com