|

Hogaanka Baarlamaka Somalia oo Safaro u ambo baxay Wakhti baaxadega Siyaasadu uu Meel adag marayo

Muqdisho 17.Nov 2013 (SDN)- Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeylaani Nuur Iikar iyo wafdi Xildhibaanno ah oo uu hogaaminayo ayaa maanta iyana waxa ay u ambabaxeen magaalada Addis Ababa ee caasimada Dalke Ethiopia halkaasi oo ay uga qeybgali doonaan shirka Baarlamaannada urur Goboleedka IGAD, waxaana garoonka ku sii sagootiyay mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Jeylaani-466x350Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu ka warbixiyay socdaalka maanta, isagoo sheegay in Ethiopia  ay ugu qeyb galayaan shir ay ka qeyb galayaan baarlamaanada ku jira urur goboleedka IGAD oo looga hadlayo iskaashiga baarlamaanada ku jira IGAD.

Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa ku mashquulsan sidii ay ugudan lahaayeen waajibaadka Shaqo ee loo igmaday, waxaana kaalin muhiim ah ugu jiraan baarlamaanada Caalamka iyagoo ka qeyb gala shirar muhiim ah oo dalka dibadiisa loogu qabto baarlamaanada ku jira ururada caalamiga ah.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed