|

Hogaanada Xisbiyada Qaranka Somaliland oo Shacabka Jabuuti ku Hambalyeeyay 39 Guurada ka soo Wareegtay Markii ay ka Xoroobeen Gumaystihii Faransiiska

Hargaysa 27.June 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa, afka xildhibbaanada, hoggaanada, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga WADDANI, waxa uu hambalyo u dirayaa dawladda iyo shacabka dalka jamhuuriyadda Jabbuuti isaga oo ugu hambalyeynaaya sannad guurada 37 aad ee ka soo wareegtay maalintii xornimada ee ay ka qaateen guumeystahii Faransiiska  27kii, Juun, 1960kii.

Gudoomiyeyaasha-Xisbiyada-dalka (1)

                                                   Photo File

Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa uu boggaadinayaa horumarka ballaadhan ee ay dawladda iyo shacabka reer Jabbuuti ku tallaabsadeen muddadii ay xorta ahaayeen, isaga oo tilmaamay in horumaro badan ay ka sameeyeen dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo ammaanka ba, waxaana uu tibaaxay in Somaliland iyo dawladda Jabuuti uu ka dhaxeeyo xidhiidh  qoto dheer oo walaaltinimo isla mar ahaantaana ay mar walba diyaar u yihiin siddii ay iskaga kaashan lahaayeen dhinacyada amaanka , ganacsiga iyo xidhiidho diblomaasiyaddeed oo si hufan oo nabad iyo wada noolaashiyo ah u dhex mara labada dhinac.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu ugu dambeyntii uu u rajeynayaa dawladda iyo shacabka reer Jabbuuti in ay sannadka sannadkiisa ku gaadhaan barwaaqo, horumar iyo xasilooni.

Sidoo kale Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca hay’adaha xisbiga ee kala duwan waxa uu ku hambalyeynayaa Madaxweynaha, dawladda iyo shacabka dalka Jabuuti 39 guurada ka soo wareegtay maalinta xornimadooda ay qaateen Faransiiska 27 June 1977.

Guddoomiyuhu waxa uu ku bogaadinayaa dawladda iyo shacabka reer Jabuuti guusha ballaadhan ee dhanka horumarka ay ka gaadheen muddada ka soo wareegay intii ay xorta ahaayeen.

Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in guud ahaan ummadda Somaliland oo iyaguna ku guda jira xuska sannad-guurada 56 aad ee ka soo wareegtay maalinta xornimadooda 26-kii June 1960 ay sidoo kale la wadaagayaan walaalahooda Jabuuti farxadda xornimada, maadaama labada dawladood iyo shacab ee walaalaha ah uu ka dhexeeyo xidhiidh qoto dheer oo walaalnimo.

Ugu dambayntii, Guddoomiyuhu waxa uu u rajeynyaa dawladda iyo ummadda reer Jabuuti inay sannadka, sannadkiisa ku gaadhaan guul iyo barwaaqo.

Dhinaca Kale Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayay Xaflad lagu qabtay Magaalada Hargaysa oo loogu dabaal degayo 39 Guurada Xornimada Jabuuti ayaa ku Majeertay Hogaanka dalkaas mid Waxqabad la taaban karo ummadiisa u qabtay.

Comments are closed